Shabakadda Al-Qimmah||Golaha U Gargaarayaasha Mujahidiinta
     Shabakadda Al-Qimmah||Golaha U Gargaarayaasha Mujahidiinta


Bishaaro Farxad U Ah Walaalaha Cusub Ee Al-Qimmah: Sharax Sawiran Ee Ku Saabsan Nidaamka Isticmaalka Shabakada Islaamiga Al-Qimmah  
Cudur daar ma harin:: Sharaxidda barnamijka leeysku qariyo ee Tor + Sawiro + Su'aashaad rabtid soo bandhig  

Isdaaraadka Iyo Bayaanaatka ka Cusub Shabakada Islaamiga Al-Qimmah
  #1  
Duug Ah/old 15th December 2010
(ًYuu$ha) Wuu Maqanyahay
Moderator/ مشـرف
Alow U Danbi Dhaaf
 
Join Date: May 2010
Posts: 1,745
(ًYuu$ha) is on a distinguished road
musharakakaima1 Maqaal: Fadliga Soonka Maalinta Caashuura

بسم الله الرحمن الرحيم
FADLIGA SOONKA MAALINTA CAASHUURA

فضل صيام يوم عاشورا

Walalayaal waxaan halkaan idiinku soo gudbinaynaa, kalmado kooban oo kussabsan FADLIGA SOONKA MAALINTA TOBONAAD EE BISHA AL-MUHARRAM oo ah bisha koowaad ee sanadka HIJRIGA..oo aan hadda kujirno.
Bisha Al-muharram waa bil barakaysan oo ku wayn Allaah agtiisa, waxeyna ka midtahay afarta bilood ee loo yaqaan [..[الأشهر الحُرُم bilaha xurmada leh..sida Quraanka kuxusan Nabigana صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ uu kusheegay sunnada.
FADLIGA SOONKA BISHA Al-MUHARRAM, Guud ahaan waxaa kusoo arooray sunnada nabiga in ay fadli leedahay soonka sunnada ah oo lasoomo bishaan barakaysan ee Al-MUHARRAM sida kuxusan xadiiska ah: (أفْضَلُ الصِّيَامِ بَعْدَ رَمَضَانَ شَهْرُ اللَّهِ الْمُحَرَّمُ ) رواه مسلم Oo uu macnihiisu yahay: ** Soon kan ugu fadliga badan soonka ramamdaan kadib waa
soonka bisha Al-muharram…”Muslim ayaa soo saaray” Haddaba ayada oo fadligaas leh ayaa hadana waxaa ku dhexjirta maalin lagu magacaabo CAASHUURAA. MAALINTA CAASHUURAA: Waa maalinta 10aad (tobonaad) ee bisha Al-muharram
MUNAASABADDA SOONKEEDA:
Waa maalintii uu Allaah ka badbaadiyay NABI MUSSE عليه السلام iyo qoomkiisa shartii Fircoon, marka shukri alaah dartiis ayaan usoomayna malintaasna waxay ahayd maalinta 10aad ee bisha Al-muharaam.
FADLIGA CASHURA: Nabiga صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ Mar lawaydiiyay soonka maalinta 10aad ee Al-muharram waxa uu ku jawabay: ” waxaan Allaah kaga ajar dalbayaa inuu ii dambi dhaafo sanadkii ka horeeyay”"
عن أبي قتادة رضي الله عنه قال : سُئل النبي صلى الله عليه وسلم عن صيام يوم عاشوراء ،
فقال : إني أحتسب على الله أن يكفر السنة التي قبله . رواه مسلم
Dunuubta la isku dhaafayo waa kuwa yar-yar (al-siqaar) qofkii uu ka dhacay dambi wayn oo (kabiira) waxaa looga baahanyahay inuu Allaah tawbad(dambi dhaaf) dhab ah ula yimaado inta uu haysto fursada oo aysan kadin geeridu!!..Allaah hanoo dambi dhaafo amiin..
MARTABADAHA SOONKA CAASHURA:
1-Sida ugu Dhameystiran: Waa in lasoomo maalin ka hor ama maalin kadib caashuuraa,oo
ah soonka maalinta 9aad iyo 10aad iyo 11aad.
2-Sida ku xigta: Soonka 9aad iyo 10aad.
3-Sida ugu hooseysa: Soonka 10aad oo kaliya.
WAKHTIGA AY KU BEEGANTAHAY :
Maalinta 9aad: Arbaco 15.12.2010
Maalinta 10aad: Khamiis 16.12.2010
Maalinta 11aad: Jimce 17.12.2010

FAA’IIDOOYIN KOOBAN:-
1-waxaa fiican oo mustaxab ah in loosoomo soonka maalinta caashuura,kudayasho lagu
dayanano NABIGA “صلى الله عليه وسلم ”
2-maalintaan waxaa soomay NABIGA (scw) iyo saxaabadiisa waxaa kaloo hortood soomay
NABI MUUSE.
3-waa maalin fadli wayn leh.
4-waxaa fiican in maalinta caashuura maalin kahor ama kadib laasoomo, khilaaf la
khilaafayo YUHUUDA, oo ayagana maalintaan soomi jirtay.
5-Intaan ayaa kusoo aroortay fadliga maalinta”CASHURA”, wax kale oo fadli ah ama camal kale oo lasameeyaa kuma sugnaan SUNNADA NABIGA(SCW).
Marka waxaa reeban oo BIDCA AH waxa ay sameeyaan dadka loo yaqaan “RAAFIDAH” ama “SHIICA” oo ah is dil iyo is mindiyeen iyo wixii la mid ah, waxaasna ma aha wax diinta ku banaan ama uu ALLAH iyo RASUULKIISU na amreen, qofka muslimka ahna waxaa la gudboon inuu ka dhawrtoonaado wax walba oo khilaafsan diinta Allaah uu kusoo dajiyay NABI MUHAMMAD(SCW), ayna tahay inuu raacdo jidkuu uu NABIGA(SCW) ujideeyay ummaddiisa ahna jidkii ay raaceen saxaabada iyo salafkii suubanaa Allaah haka raali noqdee dhamaantood.
6-Maalintaana waa fadli Allah uu nagu manaystay inuu nooga dhigay soon maalin qura dambi dhaaf sanad oo dhan, qof walowba waxaa ku deg-degtaa ka faa’iidaysiga maalintaan, kuna bilow sanadkaaga cusub (1433 HIJRIGA) daacada Allah iyo ku tartanka khayraadka. Allah hanaga dhigo kuwii laga aqbalo camalkooda kiisa wanaagsan..aamiin aamiin
aamiiin.
Waxaa nasoo gaarsiiyey
Daaciga@gmail.com
Reply With Quote
Reply


Thread Tools
Display Modes

Posting Rules
You may not post new threads
You may not post replies
You may not post attachments
You may not edit your posts

vB code is On
Smilies are On
[IMG] code is On
HTML code is Off
Forum Jump


Saacada oo Dhan Waa GMT +3. Hadane Saacada Muqdisho waa 12:29.


Disclaimer/Ogaysiin/تنـويـه
بسم الله الرحمن الرحيم


Assalamu alaikum
Alqimmah waa Shabakad islaami ah oo daneysa arimaha Ummadda.
Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay.
waana shabakad madax banaan oo aan taabacsaneyn Urur gaar ah ama Dowlad,
laakiin waa mid Xaqa Raadisa xili kastaba.
Qof walba oo Muslim ah Xaq ayuu uleeyahay in uu akhristo ama uu wax ku qoro shabakada.
--------------------------------

Alqimmah is islamic network which interests the situation of Islamic ummah
Every thing you post here does not mean that the administration are happy whit it It is a network which does not belong to any organization or government or any other direction Every Muslim has the right to read or post at alqimmah islamic network

--------------------------------

نحب أن نحيط علمكم أن شبكة القمة الإسلامية شبكة مستقلة غير تابعة لأي تنظيم أو حزب أو مؤسسة من حيث الانتماء التنظيمي بل انتمائنا وولائنا التام والمطلق هو لإخواننا الموحدين شرقا وغربا ممن انتهجوا نهج الطائفة المنصورة علما وعملا وخلقا كما أن المواضيع المنشورة من طرف الأعضاء لا تعبر بالضرورة عن توجه الشبكة إذ أن المواضيع لا تخضع للرقابة قبل النشر


Shabakada Islaamiga Alqimmah / Nidaamka 1433-2012