Shabakadda Al-Qimmah||Golaha U Gargaarayaasha Mujahidiinta
    ÅÊÕá ÈäÇShabakadda Al-Qimmah||Golaha U Gargaarayaasha Mujahidiinta


Bishaaro Farxad U Ah Walaalaha Cusub Ee Al-Qimmah: Sharax Sawiran Ee Ku Saabsan Nidaamka Isticmaalka Shabakada Islaamiga Al-Qimmah  
Cudur daar ma harin:: Sharaxidda barnamijka leeysku qariyo ee Tor + Sawiro + Su'aashaad rabtid soo bandhig  

Isdaaraadka Iyo Bayaanaatka ka Cusub Shabakada Islaamiga Al-Qimmah
  #21  
Duug Ah/old 9th November 2009
Sayfu Imam Dawahiri Wuu Maqanyahay
Xubin Firfircoon
 
Join Date: Oct 2009
Posts: 131
Sayfu Imam Dawahiri is on a distinguished road
Default Shariifka oo Dandaawiga Masar ka Dheereeyey (Xijaabka)

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Fiicnaan lahaydaa haddii la is maqli lahaa! Bishii Juun, 2008-dii waxaan soo qoray maqaal cinwaankiisu ahaa: Turaabiga Soomaaliya, Sheekh Shariif! Hoos ka fiiri ningaxa
maqaalka: http://www.somalitalk.com/2008/jun/25jun508.html Maqaalku igama ahayn inaan Shariifka iska dacaayadeynayo.
Markaas waa markuu Asmara ka soo tagay oo uu bilaabay inuu fuliyo wixii CIA kula heshiisay markuu Nayroobi u cararay. Markaas murtadnimadiisu ma caddaan laakiin waxaan ogaaday inuu Zindiiq yahay. Waxaan Xasan-At-Turaabi ugu hadal qabsadayna saasay ahayd.

Waxaan maqaalka uga dan lahaa in wiilkaas la soo buuxiyey oo soo wado inuu ku hadlno kalmado gaalnimo ah! Waxaan shacabka tusayey inaysan soo dhoweysan.

Soomaalida soo dhoweysay waxaa ugu horreeyey dad culumo sheeganaya iyo kuwa “mujaahidiin/maxkamado” sheegan jiray! Waxaa la yaab leh haddii isagu qamiiskii tuuray muxuu u rabaa inuu dumarka muslimiinta ah xijaabka uga tuuro? Ma in Amisom ku raaxeysato jirka dumarka Soomaaliyeed? Mise qandaraaskii loo soo dhiibay baa ahaa in ragguna qamiiska tuuro, dumarkana xijaabka?! Madaxda Carabta oo sidiisoo kale Maraykan xukumo, ma tuuraan qamiiskooda ee maxaa isaga qamiiska ka tuuray? Wuu gashan karaa surwaal iyo jaakad laakiin sidoo kale wuu gashan karaa qamiis, hoosgunti, go’yaal iyo wixii la mid ah.

Qadaafi shirkii Jaamacadda Quruumaha ka dhaxaysa wuxuu xirnaa dhar u gooniya halka Shariifku fiicnaan mooday surwaal iyo jaakad. War ninku ma meel buu ku xirnaan jiray? Qaadan ogaa waxa loo yeeriyo? Sawir-gacmeedka Amiin Caamir marka Shariifku diyaaradda ku ciyaarayo isagoo hareereysan waxbaa ka jira! Shariifkoo kale ma ahayn inaan waqti ku luminno laakiin waxaa Ilaah ummadda ka qabtay kuwii sheegtay Hay’adda Culumada Soomaaliyeed. Nin annagii caamada ahaa ku sheegnay zindiiq bey ku sheegeen “amiirul mu’miniin!” Marka qof aan xumaantiisa ognahay yeynaan cidna kale ku addeecin.

Marka nimankaasi Ilaahay inta u toobad keenaan yaan la maqal iyagoo mar dambe wax ka sheegaya muqaawamada. Waxaa culumo u baas lahaaday kuwa caamadu ka badiso waaqica iyo sida wax u dhacayaan! Ilaah baa mahad leh haddii waxaan ku sheegi jirnay Ilaahay caddeeyey.

Dad yar baa igu yiri: Shariifka daaqad baad kala baxday oo waa ku xadgudubtay! Anna waxaan ku oran jiray: Ilaah baa caddeyndoona waxa jira. Marka soow hadda inta dhaafay Dandaawiga Masar oo isagu indho-shareer ka hadlayey; Shariifku uma soo dhigan xijaabkii Ilaah waajibiyey? Shabaabku waa asiibeen markay murtad ku sheegeen. Xitaa hadduusan horay gaal u ahayn; wuxuu ku hadlay maalintii dhoweyd waa ku gaaloobay.

Marka haddii Janaqow iyo isaguba inta tuureen qamiisyadii oo ay jaakadda kuleetigeeda hoosteeda (lapel) calanka Soomaaliyeed ku dhagsadeen kama yeelaynno inay xijaabka ka tuuraan dumarka Soomaaliyeed. Kolley afarta xaafadood eed heysataan waxaa u badan maryo calas laakiin haddii dumarka jooga loogu soo dhigto xijaabkooda waxaa u furan inay u tallaabaan dhanka kale ee Muqaawamadu joogto. Ilaah baa mahad leh ummadda Soomaaliyeed usoo diray Shabaabka iyo Muqaawamada kale.
Ilaah baa mahad leh marba hadduu socon waayey waxay CIA-du u yeerisay Shariifka. Waa Ilaahay mahadi haddii Shariifku xitaa heysan magaalo sida Jowhar ama Baydhabo oo kale ah oo mar Maxamed-dheere iyo C/hi Yuusuf ka talin jireen. Marka shariifoow ma heysid meel aad ka taliso iyo dumar Soomaaliyeed ood u taliso marka sidii aad qamiiska u tuurtay haddaad dumarka idin hoos jooga (xaasaskiinna) aad xijaabka ka tuuraysaan idinkay idin jirtaa laakiin dumarka Soomaaliyeed Ash-Shabaab baa u jooga.

WA SALALLAAHU CALAA NABIYAA MUXAMADIN WA CALAA AALIHI WA SAXBIHI WA SALAM,

SUBXAANAKALLAAHUMA WA BIXAMADIKA ASTAQFIRUKA WA ATUUBU ILAYKA,

WA YAQDACA DAABIRAL KAAFIRIIN,

WAA AAKHIRU DACWAANAA: ALLAAHUMAJCAL MINAL MUJAAHIDIINA A IMATAN YAHDUUNA BI AMRIK WAMKIN LAHUM FIL ARDI,

ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WA BARAKAATUHU.

cabdul waaxid khaliif
  #22  
Duug Ah/old 9th November 2009
Sayfu Imam Dawahiri Wuu Maqanyahay
Xubin Firfircoon
 
Join Date: Oct 2009
Posts: 131
Sayfu Imam Dawahiri is on a distinguished road
Default

Suufiyaasha oo Abaar iyo Odayo-garaacid laga Qaaday (Galgaduud) (W/Q:-C/Waaxid Khaliif)

Muqdisho,Isniin,09, Nov,2009 (Hillaac.Net)

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato, Waxaa Ilaahay Suuratul Acraaf ku leeyahay haddaan Soomaali ahaan u micneeyo: Haddii dadka magaalooyinku rumeeyaan oo dhowrsadaan waxaan ku furi lahayn korkooda barakada samada iyo dhulka; weyse beeniyeen waxaana u qabanay waxay kasbadeen.

Sidoo kale Suuratu Nuux waxay leedahay haddaan Afsoomaali ahaan u cabbiro: Waxaan ku iri: Rabbigiin dambi dhaaf weydiista. Cirka roob badan ha idin ka keenee. Hana idiin kordhiyo xoolo iyo wiilal iyo beero hana idiin yeelo wabiyaal. Suuratul Jinn waxay leedahay sidoo kale:
Hadday dadku ku toosaan jidka waxaan ka waraabin lahayn biyo badan.

Qof kasta waa ogyahay inaan Obama iyo Zenawi keeni karin roob. Qof kasta waa ogyahay in nimcooyinka iyo barakada dunida uu roobku kaga jiro kaalinta koowaad. Iska daa waddan Soomaaliya oo kale ah oo reer guuraa u badane haddii waddamada reer Galbeedka roobku yaraado waxaa ka soo hara cabaad iyo biyo la’aan.

Haddee waa biyihii la cabbi lahaa iska daa beero iyo wax kale!
Sida culumadu sheegto, barakadu meel kastay gashaa sida cilmiga, waqtiga, xaaska iyo caruurta, risqiga, ganacsiga, ammaanka iyo waxyaalo badan. Meelaha Suufiyaashu joogaan waxaa iskaga carara dhalinyarada oo waxay noqotaa meel dambeysa xagga cilmiga iyo shaqada. Bidcooyin warkeed ha sheegin. Waxaana taga CIA-da iyo sirdoonka Tigreega.

Maqaalka micnihiisu maaha inaan dad muslim sax ah aysan abaari ku dhici karin. Sidoo kale lagama fahmayo inaan dad gaalo ah roob heli karin ee waxa laga hadlayo waa marka Xaqa iyo baadilku is-hayo waxaa mar kasta guuleystaa oo Ilaah u naxariistaa Xaqa.

Magaalooyinkii Suufiyaashu xukumaan sida Guriceel, Dhuusamareeb iyo Caabudwaaq waxaa laga sheegayaa abaar daran iyo biyo la’aan halka meelaha kale ee Koonfurta ee Muqaawamadu gacanta ku heyso Ilaahay roob siiyey. Xaggeyga arrintaasi micno weyn bay ka samayneysaa.

Nimankan Suufiyaasha ah waxaa lacag siiyaa CIA-da. Waxaa hubka loo mariyaa Itoobiya.
Waxay lacagta loo soo mariyaa Kenya. Saasooy tahay waxay sheeganayaan dariiqo diimeed. Arrimuhu markay halkaas gaaraan Ilaahay nasrigiisu waa yimaadaa.

Wiilashaas Shabaabka ah ee yaryar oo gaalo cad, mid madow, madaxda waddamada muslimiinta, maamulada Soomaaliya ka jira, Suufiyo, Cilmaaniyiin, kuwo qabyaaladdu madax martay, Bulshada Rayidka iyo dadweyne badan ka soo horjeedaan saasooy tahay Ilaahay waa sharfay. Meelahay joogaan nabad iyo kala-dambeyn baa ka jirta. Qof kasta oo caqli lihina waa arki karaa.

Maaddaama intaas oo cadow ay Mujaahidiinta isku kaashadeen waxaad mooddaa in Ilaahay rabo inuu shacabka tuso cidda saxsan labada qolo ee Shabaabka iyo Suufiyada. Waxaad mooddaa in shacabka oo xoolaha nool ku xiran la tuso inaan CIA iyo Zenawi wax kuu tari karin oo aysan roob keeni karin. Marka haddii Suufiyadu meesha sii joogaan iyadoon xabbad la idinku ridin baad gaajo iyo cudur u dhamaanaysaan. Waa garan karnnaa kulaylka iyo cudarada ay abaartu leedahay. Dhibtaas oo jirta haddii Suufiyaashu dagaal iyo diin la’aan ka furaan dhulkaas waa dhibaato kale.

Caano daatay dabadoodaa la qabtaa ee odayaashii u yimid Shabaabka ee yiri ku soo dhowaada Guriceel iyo Dhuusomareeb waa ku saxsan yihiin. Odayaasha Caabulwaaqna waa ku fiicnayd inay saasoo kale yeelaan. Marka intii diin la’aan, abaar, cudurro, kuleyl iyo dagaal aan laga daynayn Suufiyada idin heysan lahaa; hal mar meel halooga soo jeesto nimankaas diinta Ilaahay la dagaalaya ee gaaladu taageereyso.

Waxaa hadda la leeyahay Suufiyaashu waxay garaaceen oo jirdileen odayo-dhaqameed Guriceel iyo Dhuusamareeb ka soo jeeda! Waa arrin la yaab leh. Hadday arrintaasi run noqoto waxaa cad in Suufiyaasha iyo Amisom isku meel laga soo diray. Amisom dan kama leh markay suuqyada Xamar madaafiicda la dhacayaan. Sidoo kale waxaa muuqanaysa inaan qabuur-caabudku dan ka lahayn siday odayaasha ula dhaqmayaan.

Saan horay u iri: waa dhacdaa in hogaamiye caadil ah ay abaari ku dhici karto. Laakiin waxa ka dhacay seddexda magaalo iyadoo magaalooyinkii dhinacyada ka xigay doogsadeen waa calaamo la tusayo dadweynaha inay ogaadeen inaan Tigreegu roob keeni karin. Marka dadkaas reer guuraaga ahi ma ku cibroqaadanayaan?

Markii xaqa iyo baadilku is hardinayey waa tii Ilaahay abaar ku qabtay Makkah ilaa Qureysh nabiga (SCW) ka codsadeen inuu kala hadlo nabadoon Thumaamah oo Qureysh ku yiri: ilaa nabi Muxamed (SCW) idiin fasaxo hal xabbo oo qamadi ah idin kama iibinayo. Maaddaama shacabka Soomaaliyeed guud ahaan uusan gaalo ahayn haddana nimankaas qubuuraha caabuda waa niman shirki ku jira.

Marka odayada u yimid Shabaabka si ay u tagaan Guriceel iyo Dhuusamareeb waa saxsan yihiin. Marka Shabaabka iyo shacabka Soomaaliyeed ee kaloow soo dhoweeya odayaashaas. Haddii Ilaahay idmo waxaan aaminsanahay marka Shabaabku tagaan Guriceel iyo Dhuusamareeb in roob di’i doono xitaa haddii la galo waqti aan ahayn waqtigii roobku di’i jiray.
Marka maqaalka noo xiga waa iyadoo qabuur-caabudkii laga saaray dhulkaas oo roobban. Insha Allaaha, arrintaas waan aaminsanahay. Marka odayaashu waa ku saxsan yihiin inay ka toobad keenaan soo-dhoweyntii ay kuwa qabuuraha caabuda ku soo dhoweeyeen degaankooda. Marka meel fiican bay arrintu maraysaa ee dhulka halaga xoreeyo nimankaas gaaladu wadato.

WA SALALLAAHU CALAA NABIYAA MUXAMADIN WA CALAA AALIHI WA SAXBIHI WA SALAM,
SUBXAANAKALLAAHUMA WA BIXAMADIKA ASTAQFIRUKA WA ATUUBU ILAYKA,
WA YAQDACA DAABIRAL KAAFIRIIN,
WAA AAKHIRU DACWAANAA: ALLAAHUMAJCAL MINAL MUJAAHIDIINA A IMATAN YAHDUUNA BI AMRIK WAMKIN LAHUM FIL ARDI,
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WA BARAKAATUHU.

W/Q:- Cabdulwaaxid Khaliif <cabdulwaxid@hotmail.com>
  #23  
Duug Ah/old 16th November 2009
Sayfu Imam Dawahiri Wuu Maqanyahay
Xubin Firfircoon
 
Join Date: Oct 2009
Posts: 131
Sayfu Imam Dawahiri is on a distinguished road
Default Xisbiga Islaamka ee Soomaaliyeed!

Kooxdii rabta inay wax burburiso waxay soo qaadataa magac qowmiyadeed sida Soomaaliya! Dowladdii milatariga ahayd markii loola dagaalay qaab qabiil, qabiil kasta wuxuu soo qaatay magac uu ka dhex muuqdo xaraf weyn oo Sa ah sida SSDF, SNM, USC, SPM, SNF iyo magacyo kale. Magacii ugu macquulsanaa ee ugu nifaaq yaraa wuxuu ahaa: RRA oo Digil iyo Mirifle lahaayeen. Waxaa iskaga tageen Sa-dii lagu gabban jiray oo qabiilka Raxanweyn bay sheegteen! Mar dambe, Zenawi oo fahansanaa faa’iidada ay cadowga u leedahay magaca Soomaali ee lagu qaraabanayo baa qolyihii USC, SSDF iyo RRA sheegan jiray ku mideeyey magac kale oo Sa-du ku jirto: SRRC!

Hadda ka hor baa gaaladu magaca Carabta ku kala furfureen Khilaafadii Islaamka. Waxay gaalo ka tagtay xisbi Bacthi la yiraahdo oo u dhigma Sa-da ku jirta magacyada jabhadaha Soomaaliyeed. Maaddaama gaalada cad iyo kuwa madowba isticmaaleen wixii khiyaano ku qornaa qaamuuskooda ilaa tii u dambeysay ee Soomaali lala rabay ee ahayd in sidii shuyuukhdii cashaa’irka Ciraaq loogu diray wiilashooda, in shacabka Soomaaliyeed lagu diro Muqaawamada. Inkastoo odayaal qeyliyeen oo qabyaalad afuufeen laakiin Ilaahay dhibkaas waa qaaday. Hadda gaaladu waxay rabtaa in khiyaamadoodii ugu dambeysay ee qaamuuska ku qornayd isticmaalaan oo ah in dad culumo ama ducaad sheeganaya lagu bedelo meeshii qabiilka dabadeedna qof diin sheeganaya la huwiyo magac Soomaaliyeed! Soomaalidu qabiillo bay ka kooban tahay oo magaca Soomaaliyeed baa ka weyn qabiil laakiin waxaa la yaab leh sida Islaamka loo dhexgelin karo gudaha magaca Soomaaliya! “Mas’alada labo arrimood baa laga yiri.”

Waagii Hindiya iyo waddamo badan ka baxeen gacanta muslimiinta, gaaladii reer Yurub baa fadwada u kala qaadi jirtay culumada dhexdeeda! Haa culumada dhexdeeda. Hadda waxaad maqlaysaa Bhuko oo leh: waxa Kismaayo ka socda shuqul kuma laha Islaamka! Soo meydaan arag Zenawi iyo CIA-da oo leh: Shabaabku waa Khawaarij! Waxay gaalo rabtaa inay isticmaalaan xisbiyo Islaam sheeganaya iyo kuwa culumo iyo ducaad sheeganaya. Waa qorshe adag haddaan Ilaahay ka samatobixin Soomaali. Nimanka horboodaya qorshahan ma ahan dagaaloogayaashii isbaarada dhigan jiray. Sidoo kale maahan nimankii tagi jiray shirarka waddamada dariska ama dibadaha lagu qabto. Ee waa niman masaajid wax ka akhrin jiray ama jabhado Islaami sheegan jiray ku dhexjiray oo mujaahidiin loo arkayey.

Horay baan Xisbul Islaam ugu sheegay Xisbul Islaan (Oday-dhaqameed). Waxaan rabay inaan idin tuso in halkii jamhaduhu sida SSDF, SNM iyo USC ugu qaraaban jireen magac Soomaali ay Xisbul Islaam ku qaraabanayaan magac Islaam! Micnuhu maahan Xisbul Islaam dadka ku jiroo dhan baa xun. Maya. Waxay leeyihiin rag badan oo Mujaahidiin ah. Mujaahidiintaas waxaa ceeb ugu filan Xisbigay ku dhexjiraan. Waxaa Xisbul Islaam u odayeeya niman Ictisaam sheegta. Qaar ka mid ah labadaas kooxood (X.Islaam & Ictisaam) waxay qabyaaladda kala mid yihiin dagaaloogayaasha iyo jamhadahaas. Waxaad arkaysaa sheekh is mooday inuu “Somalilander” yahay. Mid isu heysta inuu “Puntlander” yahay. Mid isu heysta inuu “Jubbalander” yahay! Waxaad arkaysaa mid waddamada dariska ah jooga oo markii reer tolkiis wax si ka noqdaan la soo kala baxaya muxaadaro duraysa qolada ama kooxda ay reer tolkiis is qabteen. Laakiin aan dan ka lahayn haddii reer tolkiis gaalo is hayaan!

Anigu waxaan arkaa in kaarka ugu dambeeya ee gaalo iyo gaalo raacyadu isticmaalayaan yahay Xisbul Islaam iyo niman Ictisaam sheeganaya. Waxaan saas u leeyahay waa iyadoo Xisbul Islaam isku dhexyaacsan yahay. Maalin aan fogayn waxaa xoghaya waraafintoodu sheegay inay aqbaleen casuumad gogol nabadeed oo Qadaafi fidiyey! Waxaa ka dabobeeniyey Guddoomiyaha Xisbiga, sheekh Xasan Daahir Aweys. Hadda waxaan maqleynaa xoghayuhu wuxuu iclaamiyey gogol loo fidinayo culumada Soomaaliyeed! Qeyliyoow oo Amisom hoos jooga waa soo dhoweeyey arrintaas! Su’aalaha is weydiinta leh waxaa weeye:

1. Sida qabiillooyinka Soomaaliyeed isu hayaan baa culumadu isu heysaa. Waxaa jira Suufiyo, Ictisaam, Salafiyo Jadiidah, Salafi kale iyo kuwa kale. Carruurta Soomaaliyeed waa ogtahay inaan cidna isu keeni karin dadkaas magacyada diinta wata. Marka kooxda ay Xisbul Islaam casuumeen waa tee? Hadday dhahaan Ictisaam oo kale waa la fahmi karaa?

1. Marka diin laga hadlo, Koonfurta Soomaaliya waxaa wax ka jooga Shabaab marka iyagoon la tashan walaalahooda Shabaab muxuu ula soo booday gogoshaas? Horay aqbalaaddii casuumaddii Qadaafi buu ku khaldamay. Haddana wuxuu galay khalad kale. Marka yuu u shaqeeyaa?

1. Culumada Rabbaaniyiinta ah cidna ma diri karto. Wey dhici kartaa in nin hogaamiye ahi ku khasbo inay u yimaadaan laakiin xitaa haddii loo yeero cidna ma khasbi karto. Marka xoghayuhu cidna ma xukumo, sidoo kalana ma aha afhayeenka ama guddoomiyaha hay’adda culumada Soomaaliyeed ee muxuu ku keenay inuu shir iclaamiyo?

1. Waxaad moodda in arrinta shirka loo fahmi karo in culumada Soomaaliyeed aysan horay ugu jirin furdaaminta dhibka Soomaaliya. Hadday arrintu saas tahay haddee cid aan waddanka horay u danaynayn, ma filayo in hadda loo baahan yahay!

1. Sidii horay loo sheegay culumada ugu waaweyn ee Soomaaliya inta loo sheeko xumeeyey bay horay u taageereen Shariifka. Marka maxaa hadda laga rabaa culumada? Teeda kale kuwa culumo sheeganaya oo ka mid ah Salafiya Jadiida waxay intaas dacaayad la dabojoogaan Allaha xafidee Shariif C/Nuur marka see la isagu keenin dadkaas?

1. Madax meel ka sarreeya oo la salaaxo ma leh. Qolyihii sheegtay hay’adda Culumada Soomaaliyeed waa tay muddo fadhiyeen mana jirin wax ka soo naasocaddaaday go’aankoodii. Marka mar kale culumada la shiranyo waa kuwee?

1. Maaddaama Somaliland iyo Puntland lagu xukumo qawaaniin gaalnimo, haddii Xisbul Islaam inta Hargeysa ama Garoowe gogol dhigaan la dhaho halla lafaguro arrimaha Soomaaliya waa la fahmi karaa. Laakiin Ictisaamka labadaas gobol jooga iyo Xisbul Islaam arrintaas ma samayn karaan. Keliya waxay rabaan inay dhahaan gogol hala dhigo Afgooye si nabadda ka jirta Koonfur loo kala tuuro. Nin u turtay Somaliland iyo Puntland maxaa ka galay Koonfurta Soomaaliya? Soow sheekada Puntland laga sheego run noqonmeyso: kaagana kula lihi; keygana anaa iska leh!

Jawaabaha su’aalahaas adoon isku daalin, anigu waxaan arkaa in hadda cadowgii Islaamka magacuu rabo ha sheegtee doonayo in loo dhammeeyo Xarakada Shabaab. Gaalada iyo waddamo ku yaal Khaliijka baa iska kaashanaya sidii looga takhalusi lahaa Shabaabka. Waddamada qaarkood waxay saaxiib la yihiin culumo adduunka laga yaqaan iyo kuwo Soomaali ah. Mar horaba Xisbul Islaam iyo qaar ka mid ah Ictisaamku waa bilaabeen in sidii jabhadaha ay isticmaalaan magaca Soomaali. Waxay la mid noqdeen Xisbigii Bacthi makra la fiiriyo qowmiyadda. Faraq uma dhaxeeyo waa Bacthi Hantiwadaag ah iyo Bacthi Islaami ah! Run ahaantii waxaa xun Bacthi Islaami ah sababtoo ah Islaam iyo qabiil lama kulmin karo. Qofkii isku dayana waa qof Doofaar ku bireeyey BISMILLAAH, ALLAAHU AKBAR! Marka qof Xisbi Islaam sheegtay oo haddana Soomaalinimo keliya wax ku dooranaya waa arrin khaldan. Islaamku maaha waddan. Markaad Soomaali tiraahdid waa u dhaxeeyaa Soomaaliga muslimka ah iyo kan gaalka ah laakiin Islaamku saas uma qeybsamo. Labadaas kooxood mar kasta waxay dhahaan: ma naqaan Shabaab cidda xukunta! Waxay ka wadaan muslimiin aan Soomaali ahayn baa xukuma. Xitaa hadday run tahay maxaa ku jaban haddii Soomaaliya Shareeco helayso? Waaqacaa diidaya! Waaqic baa lagu waashay! Mey run sheegaan oo dhahaan Maraykan baan ogoleyn! Ninka ku jira golaha Shuurada Xisbul Islaam, Caddow, waa tuu lahaa Shabaabka waxaan ka qabannay ajaanib! Shaki iiga jiro in Xisbul Islaam la mid yahay kii Bacthiga. Faraqa u dhaxeeya kii Xaafid Al-Asad iyo Saddaam waa kuwaasi waxay ahaayeen Cilmaaniyiin iyo Hantiwadaag laakiin kuwani waxay sheegtaan Islaami. See magac Islaam u qaadan kartaa haddaad walaalkaa muslim ah ku leedahay ajnabi?

Muddooyinkaan, Ictisaamna masaajidday kala lahaayeen jihaad Soomaaliya kama jiro oo waa dagaal fidno halka Caddow iyo madaxda Xisbul Islaam qaarkoodna la haayeen Shabaab waxaa la safan ajaanib! Arrintaas darteed dad badan oo caamo ah baa u arkay Shabaabka waxa kale. Marka walaalaha wali ku haray Xisbul Islaam ee mujaahidiinta ah iyo dadka Soomaaliyeed waxaan rabaa inaan xasuusiyo in haddii la rabo in Shareeco soo noqoto loo baahan yahay in loo aasaaso sidii nabi Muxamed (SCW) u bilaabay. Xaddiiskii ahaa: Islaamku wuxuu ku bilowday qariib, wuxuu ku soo noqon doonaa qariib siduu ku bilowmay. Marka ciddii ay ka hoosbaxday arrintaas baan rabaa inaan xasuusiyo in Islaamku isu keenay dadka caalamkoo dhan ka soo jeeda. Dadkii Islaamka ugu horqaatay waxaa ku jiray Qureysh oo mataleysay durriyaddii Nabi Ibraahiim (CS). Bilaal (RC) oo matalayey Xabashi iyo dadka madow ee ka hooseeya lama degaanka Saxaaraha. Suheyl Ruumi (RC) oo matalaya dadka Caddaanka loo yaqaan. Markii Maddiina la tagayna waxaa ku soo biiray Salmaan Al-Faarisi (RC) oo matalayey Beershiya iyo Indho-yarta. Soo ma aragtid markii dowladdii Islaamka Madiina dhibada loogu aasayey waxay matalaysay dadka caalamkoo dhan. Haddii la eego miisaanka Axmed-madoobe iyo Caddow waxay u arkaan Bilaal, Suheyb, iyo Salmaan (RC) ajaanib halka ay Abuu Bakar iyo Sacad Binu Mucaad (RC) u arkaan Carab u dhalatay waddanka!

Marka sida Shabaabku wax ku wadaan waa sidii la rabay. Shareeco Islaam iyo Firqatu Naajiyah kuma timaado magac Soomaaliyeed ee Islaamnimay ku timaaddaa. Marka Shabaabka waxaan u sheeganayaa inta ka baxaan riyada waa inay runta wajahaan iyagoo xikmad isticmaalaya.

Qariib maaha in Maraykanku Erateriya ku dhaho caawiya Xisbul Islaam maaddaama ay Shabaab la dagaalayaan. Weyna dhici kartaa in diyaarado loogu keeno hub iyo saanad kale! Marka gaalo waa gaalo. Sidoo kale nin ay taageeraan xukaamta Carabtu waa nin la rabo in dan lagu fushado ah inaan Shareeco Islaam soo noqon.

Ma filayo in culumo ku imaaneyso gogol uu fidiyey xoghayaha Xisbul Islaam. Laakiin haddaad aragtaan dad culumo sheeganaya oo ka soo tagtay Somaliland, Puntland, Kenya, Qatar, Sacuudiga iyo meelo kale oo raba inay Afgooye ku qabsadaan shir iyagoo u turaya Somaliland iyo Puntland waxaan ku talin lahaa in madaxa laga wada jaro. Mana filayo inay culumo yihiin! Marka daaya ha yimaadeen si Ilaahay ummadda u dhaafiyo. Marka nimanka sidii jabhadihii qabiilku ugu gabban jireen magaca Soomaaliya hadda raba iyagoo Islaam sheeganaya inay ku gabbadaan Soomaali waa khaldan yihiin. Sidoo kale dowladda Islaamka ee Soomaaliya laga aasaasyo waa inay raacdaa tii Nabi Muxamed (SCW). Sidii Suheyb (RC) ugu jiray waa inay ku jiraan caddaan muslim. Sida Bilaal (RC) waa inay ku jiraan madoow. Sidii Salmaan (RC) waa inay ku jiraan dad ka yimid Pakistaan, Afganistaan iyo Aasiyada kale. Marka Xisbul Islaam iyo Ictisaamka qaarkood waa bilaabeen weeraroodii afka iyo addinka ahaa.
Xasan-ganay wuxuu yiri:
· Soomaaliyeey qabiilkiyo
· Qaranimadu waa labo
· Aan is qaadan karinoo
· Weligood is qabanayn
· Waa qori dabliyo gaas
· Oo haddii aan la kala qarin
· Iyagay iyagays qarxinayee

Marka Mujaahidiinta Xisbul Islaam ku hartoow macquul maaha in dad idin ka mid ah hub inta gaalo ka soo qaataan soo weeraraan gobollo xasiloon. Macquul maaha in culumadiinnu hoos joogto madaxweynaha Qatar iyadoo waddankaas ku yaal saldhiga laga buburiyey Bariga Dhexe. Waxa saldhigaas kasoo fula baa loo gudbiyaa boqorka. Boqorkuna wuxuu u sii dhiibaa culumadiinna. Marka waxaa kaloo ka sii daran in mujaahidiin soo hijrooday lagu sheego ajaanib! Marka mujaahidiinta C/Qaadir Kumaandoos iyo Dul Yaddayn iyo walaalaha la eynigaa waxaan ku leeyahay waxaad taagan tihiin meel khaldan. Waadna aragtaan khaladka jira.

Cidna ma diidayso in Soomaalidu dhaqankooda ka badshaan qeyrkooda. Sidoo kale guusha Muhaajiriintu keento waxaa ku intifaacaya waa Soomaali. Soow beelaha Koonfurta Soomaaliya dega ma nasan oo barwaaqo iyo nabad kama qaadin walaalaha ku dhexjira? Marka Qureyshi gaalo-raac noqda waxaa amiirnimada muslimiinta ka mudan mujaahid Soomaaliya. Marka Islaamku ma kala sooco muslimiinta.

Waxaa la gaaray waqtigii runta loo imaan lahaa oo maaweelada la iska deyn lahaa. Waa nasiibdarro haddii madaxdii Xisbul Islaam la dhaafin waayey annagaa leh magaalo heblaayo! Teeda kale meeyey Macoowgii saaxoobkooda ahaa? Marka Xisbul Islaam waxay hadafkoodu noqday inay kusoo wareegeystaan meelihii dagaaloogayaashu ku wareegi jireen ee ahaa Soomaali. Hadda waxay noqdeen: Xisbiga Islaamiga Soomaaliya. Hadda kuwii Xisbul Islaam ee “Jubbalanders” ahaa waa bilaabeen xabbaddii. Kuwii Ictisaam ee “Somalilanders” iyo “Puntlanders” ahaanna mar horay bilaabeen dacaayaddoodii. Marka Insha Allaahu mar kale Shabaabku waa ka soo dhexbaxayaan dhibtaan la maleegayo. Mana dhibi doonto cid kastoo khilaafta inta ay xaqa ku taagan yihiin. Marka madaxda Shabaabku ha badiso cabsida Ilaahay, Sabirka iyo yiqiinta.

WA SALALLAAHU CALAA NABIYAA MUXAMADIN WA CALAA AALIHI WA SAXBIHI WA SALAM,
SUBXAANAKALLAAHUMA WA BIXAMADIKA ASTAQFIRUKA WA ATUUBU ILAYKA,
WA YAQDACA DAABIRAL KAAFIRIIN,
WAA AAKHIRU DACWAANAA: ALLAAHUMAJCAL MINAL MUJAAHIDIINA A IMATAN YAHDUUNA BI AMRIK WAMKIN LAHUM FIL ARDI,
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WA BARAKAATUHU.
  #24  
Duug Ah/old 21st November 2009
mohamedil islam's Avatar
mohamedil islam Wuu Maqanyahay
anasru lil muslimeen
 
Join Date: Sep 2009
Posts: 64
mohamedil islam is on a distinguished road
Default Dadkii Dhagaha Xirnaa ee uu Dul-Qarneyn Caawiyey baa na Dhaamay!!(W/Q:-C/Waaxid Khaliif)

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato, Axaadiis saxiix ah oo Imaamu Axmed, Muslim iyo qeyrkoodba wariyeen baa sheegaysa fadhliga ku jira akhrinta Suurada Al-Kahaf khaasatan tobanka aayadood ee hore iyo kuwa dambe. Axaadiistaas waxay sheegeen in aayadahaas Dajjaal la isaga cesho. Imaamyo kale ooy ku jiraan Saciid binu Mansuur iyo Xaakim baa sheegaya fadliga akhirinta Suuradaas maalinta Jimcaha.
Manoo cuntantaa in dad Qur’aanku ka cabbiray inaysan hadalka fahmayn ama aan iyaga la fahmayn ay naga fiicnaadaan? Waa dadkii Dul-Qarnayn uga sheegtay fasaadkii ay Ya’juuj Wa Ma’juud wadeen? Weligaa adoo Suuratu Kahaf akhrinaya ma dul istaagtay qolyahaas? Waxaan rabaa inaan idin tuso in dadkaas dhagaha xirnaa ay ka caqli badnaayeen dowladaha muslimka sheegta ee maanta jira:
Sida Qur’aanka laga fahmayo dadkaas dhagaha xirnaa waxay ku taagnaayeen fidrada oo xaqana xaq bay u arkeen; xumaantana xumaan.

Haddaysaan saas ahayn ma soo dhaweysteen Dul-Qarnayn; kumana sheegeen Ya’juuj Wa Ma’juuj mufsidiin. Islaamkaa sheegay in Dul-qarnaynna yahay addoon saalix ahaa halka Ya’juuj Wa Ma’juuj yihiin musfidiin iyo fidno. Innaga, culumo, ducaad badan iyo shacab baa kala garan la’ cidda fiican Shabaabka iyo Amisom! Dadkaas dhagaha xirnaa baa xaggayga ka faqiihsan Soomaali badan oo ducaad sheegata oo aan ka hadlin Amisom iyo CIA halka ay caayayaan Mujaahidiinta!

Waxaan ognahay in waddamada Khaliijka markii Saddaam qabsaday Kuweyt inay inta Maraykan lacag siiyeen ku dhaheen naga difaac Saddaam! Dadkaas dhagaha xirnaa inta u tageen qaar ka mid ah Ya’juud Wa Ma’juuj ma oran qaarkiinna kale naga dhacsha ee waxay raadsadeen addoonkii saalaxa ahaa ee Dul-Qarnayn. Carabaha iyo qolodaas dhagaha xirnaydba waxay diyaar la ahaayeen hanti. Carabuhu hantidii waxay siiyeen cadowgii Ilaahay iyo gaalo halka qolyihii dhagaha xirnaa ay xoolo u ballanqaadeen addoonkii Ilaahay – Dul Qarneyn! Saasooy tahay waxaynnu rabnaa inaynnu isku sheegno ummadii ugu kheyrka badnayd ummadaha! Sidee ku dhici kartaa in innagoo diinta Islaamka haysanna aan Itoobiya uga dacwoonno Maraykan iyo Amisom? Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ma garan waayeen waxay garteen nimankii dhagaha xirnaa?
Qofka Soomaaliga ah ee fidrada ku taagan waa garan karaa inaan Amisom iyo CIA aysan kheyr u keenayn Soomaaliya. Fidradii waxaa naga qaaday qabiil, cilmaaniyad, dano adduun ama baqdin. Shabaabka waxaa la gudboon inay ummadda guubaabiyaan oo u horseedaan wax anfacaya. Waxaa laga rabaa inay sidii Dul-Qarneyn markii maal loo sheegay uu u yiri: wixii Rabbi isiiyey baa ka kheyr badan yaboohiinna ee gacan isiiya. Dul-Qarneyn ma aqbalin dad gacmaha isku laabtay ee wuxuu yiri kaalaya oo quwad igu caawiya. Waxaa dhici karta in shaqadii la waday ay inteeda badan qabteen dadkii dhagaha xirnaa! Sabab? Haddee xaddiidkii, xaabadii iyo afuufkii iyagaa keenay oo sameeyey. Waxa dhici karta in sida injineerka howsha u kala wado uu Dul-Qarneyn ukala waday laakiin howsha inteeda badan ay dadku qabteen. Yaa fuundiga ka howl badan markay guri dhis noqoto? Injineerku naqshada iyo kala-wadidda howshuu leeyahay.

Waxaan Shabaabka xasuusinayaa in Soomaaliya ay ducaad iyo dadweyne hodan ah joogaan. Keliya waxaa loo baahan yahay in dadka diintooda iyo dalkooda la tuso oo ay Ilaahay inta talo saartaan cilmigooda iyo hantidooda isticmaalaan. Arrinta Dul-Qarnayn waxay i xasuusinaysaa sheeko lagu sheegi jiray buugtii Afsoomaaliga ahayd: in nin waxgarad ahaa oo dhowr aqoolood cidla joogay uu ku soo dul dhacay islaan ladan oo aqal buuxa dhex joogta. Ninkii runtuu u sheegay islaantii iyo inuusan dhowr maalmood afka wax saarin. Islaantii, sidii marti-soor looga sugayey bey deyro iyo is-hafrid la soo boodday; waxayna tiri:
waatay goome noqotaa
oo guga la waayaa
giddi maanta oo idil
waxba maan gasiimanoo
gowsaha wax maan gelin
Ninkii talaa ku caddaatay. Naftiisii buu u baqay iyo inay gaajo naftu uga dhacdo. Feker gaaban kaddib wuxuu isha ku dhuftay dhagax yar oo islaanta agyaal. Wuxuu yiri waxaan rabaa inaan dhagaxaas soor ka sameeyee bal dab ii shid! Islaantii oo yaabban baa dab oogtey oo dheri/digsi saartay. Ninkii inta dhagaxii dhaqay buu digsigii ku riday oo walaaqay! Wuxuu islaantii ku yiri bal xoogaa cusbaa i sii. Markii cusbadii loo keenay buu inta digsigii ku riday walaaqiddii sii watay. Markay biyihii kareen buu ninkii yiri haddii xoogaa jariir ah la heli lahaa meeshaa waxaa ka soo bixi lahaa raashin bannaanka laga maray! Islaantii waxay tiri deyrtii dhoweyd waxaan guriga ku ogaa masaf jariir ku jirto ee ii sug aan raadshee. Cabbaar kaddib waxay keentay masaf buuxda oo jariir ah. Ninkii intuu rabay buu ku darsaday. Markii cabbaar la joogay oo jariirtii bislaan rabto buu ninkii yiri haddii xoogaa budo ah oo jariirta lagu adkeeyo la heli lahaa, waxa halkaas ka soo bixi lahaa cunto qiimo badan. Islaantii sidii oo kale bay sheegtay in ay waqti hore meel ku ogayd masaf budo ku jirto balse waqti ay ku baadigoobto la siiyo. Qaddar yar kaddib bay keentay masaf budo ceegaagto. Ninkii sidii oo kale buu ka isticmaalay intuu rabay. Markii soortii bislaatay buu dabka ka qaaday oo yiri haddii xoogaa subug ah oo lagu daro la heli lahaa waxaan shaki ku jirin in faraha la isgoosan doono soorta macaankeeda darteed! Sidoo kale baa habartii, is-hafrid kaddib keentay tabbad cod-cod/subag ka buuxo. Ninkii intuu u baahnaa buu ka isticmaalay. Ninkii wuxuu hadalka sii raaciyey haddii xoogaa garoor ah oo lagu sii daro la heli lahaa waxay soortu noqon lahayd tii ugu macaanayd ee weligeed la cuno. Sidii oo kale baa islaantii waxay keentay dhiil uu garoor ka buuxo. Ninkii inta dhagaxii ka saaray digsigii oo xeero soo qaatay buu intuu rabay ka gurtay dabadeedna digsigii iyo intii kale islaantii hoos dhigay. Islaantii oo cantuugeysa soortii baa inta da’ ka yar intay jirtay sheegtay tiri: intaas oo sano baan jiraa oo weligay ma arag cunto ka macaan middan dhagaxa laga kariyey!
Haweeneydu waxay u qabtaa in dhagaxa cuntada laga kariyey. Marka shacab badan oo Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin in saas loo howlgeliyo. Marka Islaamka iyo xikmad baa lagu gaari karaa in shacabka dantoodu la tuso, waxoodana la cunsiiyo. Sidoo kale culumadu waxay sheegaan in sida haweyneydaas ay jiraan niman ducaad ah ama qaarkood culumo yahay oo isu qaba inaysan wax badan aqoon oo ka gaabsaday xilkii saarnaa. Waxay dhaheen kuwaas oo kale waa in la dhiirrigeliyaa si cilmigiisa looga faa’iideysto. Marka Shabaabka waxaan ku leeyaha sida Dul-Qarnayn dadkii dhagaha xirnaa u tusay inay howsha lagu celinayo Ya’juuj Wa Ma’juud ay ka qaybqaataan in ducaadda iyo Shacabkana saas u howlgaliyaan. Marka hal qof oo hogaamiye ah baa ummad badan Ilaah ku badbaadin karaan. Marka Shabaabka iyagaa hadda heysanna. Marka Insha Allaahu ciddii iswaasha waxaa loola dhaqmayaa sidii qolyihii kale ee Dul-Qarneyn kula lahaa: dadka dulmiga la yimaada waa la cadaabayaa; kuwii camal fiican la yimaadana si wanaag ah baa loola dhaqmayaa. Marka Shabaabku waa inay isku daraan labada xigmadood ee Dul-Qarneyn Bariga iyo Galbeedka kula dhaqmay. Marka qofkii iswaalana seef baa lagula xaalayaa laakiin dadka masaakiinta ah ee aan xooggooda iyo hantidooda aamisnanaynna waa in la tuso inay wax qabsan karaan. Marka Shabaaboow ducaadda iyo Shacabka hanuuniya.

WA SALALLAAHU CALAA NABIYAA MUXAMADIN WA CALAA AALIHI WA SAXBIHI WA SALAM,
SUBXAANAKALLAAHUMA WA BIXAMADIKA ASTAQFIRUKA WA ATUUBU ILAYKA,
WA YAQDACA DAABIRAL KAAFIRIIN,
WAA AAKHIRU DACWAANAA: ALLAAHUMAJCAL MINAL MUJAAHIDIINA A IMATAN YAHDUUNA BI AMRIK WAMKIN LAHUM FIL ARDI,
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WA BARAKAATUHU.

Cabdulwaaxid Khaliif" <cabdulwaxid@hotmail.com
  #25  
Duug Ah/old 23rd November 2009
Muxibu Amiir Albaqdaadi Wuu Maqanyahay
Xubin
 
Join Date: Jun 2009
Posts: 94
Muxibu Amiir Albaqdaadi is on a distinguished road
Default

Axmed Madoobe oo Xasan-Turki ka Dhigay Hogaamiye Toleed.

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Maxamed Siyaad Barre markuu rabay inuu caawiyo Jamhaddii Soomaali Galbeed marna ma yeelin magac qabiil sida Ogaadeen! Hadda ogoow, Ogaadeenku waxay reer abti u ahaayeen madaxweynaha. Lama qiyaasi karo taageeridii Maxamed Siyaad siiyey Ogaadeen dhinac kasta. Marka la eego xagga ciidanka qofna arrintaasi kama qarsoona. Saasooy tahay Maxamed Siyaad wuu ogaa dhibtay keeni karto magac sida ONLF ah.



Magaca ONLF qofkii alifay wuxuu ahaa qof aan si fiican u fekerin ama gaalada u shaqaynayey. Haddaad adigu geyi u badan tahay inta magac Islaam sheegatid ama ugu yaraan mid Soomaaliyeed baad samayn kartaa waxaad ku samayn lahayd magac qabiil.



Wixii Maxamed Siyaad ka cararay waxaa ku dhacay niman sheegta hogaamiyayaal muslimiin ah! See ku dhici kartaa in nin la mid ah sheekh Xasan-Turki oo kale aruursado wiilal reer tolkiis ah? See damiirku u siiyey inay isku magacaabaan tuulo yar sida Kaambooni? Maxay markay howlgal sameeyaanba iyagoo qabiil soocan ah ugu noqdaan howdka Jubbooyinka? Arrimahan waxay ka dhici karaan jamhadaha qabiilka sida ONLF, SSDF, USC, SNM, SPM, iyo USF.



Hogaamiyihii da’da yaraa ee macallin Aadan Xaashi Ceyroow Allaha ka aqbalo shahiidnimadee waxaa la ii sheegay wiilasha waardiyeyn jiray waxaa ugu yaraa qabiilkiisa! Macallinku iskama samayn arrintaas ee waxay xambaarsantahay oo ka tarjumaysaa mabda’iisa ah muslimnimo. Wuxuu ogaa in waxa walaal lagu yahay ay tahay Islaamka. Marka qofkuu wax ku darsanayo waa inay isu keentaa musliminimo. Arrintaasi waa ka hoosbaxday sheekh Xasan-Turki mana filayo in wiilasha hadda ku waardiyeeya Dhoobley ay ku jiraan qabiil aan ka ahayn kiisa. Xitaa ma filayo in Daarood kale ku jiro! Ma saasaa loo halgamayey?



Haddii dhagaha laga furaysto dardaarankii Rasuulka (SCW) ee ku aaddanaa qabyaaladda waxaas oo kale baa dhacaya. Qabiilku qaab halgan ma galo xitaa adoo arrin kheyr u dan leh. Waxaan aaminsanahay in sheekh Xasan-Turki iyo wiilashiisu kheyr ula jeedeen is-aruursiga ay qaab qabiil isku aruursadeen. Sidoo kale isweydiin ma laha taageeradii ay siiyeen walaalahooda kale iyo qeybtii libaaxa ay ka qaateen halganka. Keliya waxaan rabaa inaan idin tuso inay khalad ahayd qaabka ay wax ku dhiseen. Waa arrin wax laga qaban karay. Waa waxa hadda ONLF la dhutineyso markii Soomaali badan tiri: ma Ogaadeen keliyaa dhul laga heystaa?!



Sayid Maxamed kaddib ma garanayo nin Ogaadeen ah oo sheekh Xasan-Turki ka taariikh fiican. Dadka wanaaga u haya sheekha waa Soomaalida xalaasha ah ee ka soo horjeedda faragelinta gumeysiga cad, kan madoow iyo gaaloraacyada. Sheekhii saas ahaa mid baa cirka Ilaahay uga soo riday oo inta wiilashiisii ka afduubtay iyadoo gaalo-madow iyo gaalo-raac lagu horfadhiyo Soomaaliya la soo shirtagay inuu Kismaayo leeyahay! Sheekh Xasan waa awoodi waayey inuu arrintaas wax ka qabto. Khasab ma ahayn in sheekh Xasan-Turki wax kasta Shabaab ku raaco laakiin looguma garaabayo in wiilashuu gacanta ku hayey inta Axmed-madoobe afduubo kusoo weeraro Wilaayo Islaami ah iyadoo Shabaabku gaalo iyo gaalo-raacyo horfadhiyaan!



Kheyr baan u rajaynayaa sheekh Xasan-Turki laakiin hadduusan shirarkaan Dhoobley ka socda wax ka qaban oo uusan wiilasha meelahaas qaabka qabiilka loogu aruurinayo iyo hubkooda soo wareejin waxay u ekaanaysaa in khaatumadu seegeyso isagoo ah ONLF magac diin ku dagaalaysa. Ma jiro faraq u dhaxeeya nin Kismaayo ku dagaalaya iyo mid Jigjiga ku dagaalaya. Danta diinta iyo tan shacabkaa ku xiran in sheekhu soo wareejiyo hubka xitaa isagoo xaq u leh wadahadal iyo ka-hadalka Kismaayo.



Waxaan saas u leeyahay waa iyadoo Amisom iyo gaalo-raacyadii hub usoo dago bil kasta. Itoobiya iyaduna waxay hubaynaysaa gaalo-raacyadii iyo Suufiyaashii. Arrintaas darteed haddii sheekh Xasan-Turki caqli ku haray waa inuu u daneeyo diinta iyo dadka Soomaaliyeed. Si fitnadu usoo afjaranto waa inuu hubka ku wareejiyaa Shabaab. Shabaab ma aha gaalo. Haddii sheekhu ka dhago-adaygo waxay noqonaysaa inuusan dan ka lahayn Zenawi iyo Amisom oo waddanka qabsada. Marka si kasta ooy u kharaartahay arrintaasu waa in sheekhu saas yeelaa.



Run ahaantii haddii sheekhu saas yeelo waxay keenaysaa in Mujaahidiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ilaawaan wixii Axmed-madoobe falay. Marka waa in Jubbooyinka loo daayaa Shabaabka.



Markuu arkay Maraykanku Itoobiya oo furfurmeysa iyo ONLF oo ka raadgadatay diinta Islaamka wuu soo dhowaysanayaa hadda. Waxaad arkaysaa mid Kongareyska Maraykanka ku jira oo Puntland ku leh: hala ilaaliyo xuquuqda ONLF! Waad ogaydeen sidii sanadkii hore Zenawi u xasuuqay ONLF iyo shacabka Ogaadeen mana jirto cid ka hadashay. Marka maaddaama ONLF ka soo horjeesteen xarakooyinka Jihaada waxaad mooddaa in Maraykanku rabo inuu khiyaamo oo ku diro Shabaabka.



Qofkii dadku isku raaco daacadnimadiisa waa la ogyahay inuu meel kheyr ku dambeyn doono. Yaa shaki uga jiraa qaabkuu ku dhintay Macallin Aadan Ceyroow? Soow cadow ma dilin? Ma isagoo Cayr difaacayuu dhintay? Ma Hawiyuu u doodayey? Macallin Aadan wuxuu Dhuusamareeb ka cayrshay wadaaddo Suufiyo ah oo Cayr ah iyo Ashahaado-la-dirir ay isku qabiil yihiin. Qof Ilaahay u run sheega, Ilaahay waa kaaga dhabaynayaa runtooda. Ka warrama haddii Shabaab dilaan sheekh Xasan-Turki iyadoo Axmed-madoobe iyo wiilashii SPM sheegan jiray oo hadda wata ONLF ka dhinac dagaalayaan? Maxay arrintaasi tuseysaa? Marka macallin Aadan wixii laga filayey buu ku dhintay ee bal aan eegno sheekh Xasan-Turki.



Haddii sheekhu diido arrintaas, suurtogal maaha iyadoo Axmed-madoobe iyo maleeshiyo qabiil gadaal ka taaganyihiin Mujhaahidiinta in Amisom lala dagaalo. Waxay keenaysaa in wax kasta ha dhaceene Axmed-madoobe wax laga qabto. Marka xaqaa guuleysanaya. Waxaan rajaynayaa Insha Allaha in Axmed-madoobe iyo Ibraahim shurki sidii labo badano Udxiyo ahaan loo qali doono. Qaabkaan baa loo qalayaa:

BISMILLAAH, ALLAAHU AKBAR nudaxii can Walaayada Banaadir, Jubbooyinka, Baay & Bakool, Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud, (Somaliland iyo Punltand oo imaandoona Insha Allah), iyo Wilaayada Qurbaha.



Marka Axmed-madoobe wuxuu kala tuuray sharaftii loo hayey sheekh Xasan-Turki. Inkastoon kheyr ka filayo sheekh Xasan-Turki haddana rag lama maleeyo. Marka haddii sheekh Xasan-Turki la safto reer tolkiis iyadoo waliba la sheegayo in ONLF ama maleeshiyo qabiil ka dhinac dagaalayso Axmed-madoobe haddee waa khaatumo xumadii aan ka soo hadlay. Haddii kale ha u tanaasulo Shabaab inta waddanka la xoraynayo. Markii Insha Allaah waddanka la xoreeyo baa la isagu imaanaya miis. Marka Barre-hiiraale iyo Moorganba ka huleele Kismaayee maxaa ku jaban haddii sheekh Xasan u tanaasulo walaalahiis Shabaab? Haddii kale waxaa Insha Allaah imaan:



Kharribat Dhoobley, Innaa idaa nazalnaa bi saaxati qoomin fasaa’a sabaaxul mundariin. Ama: Wa inna JUNDANAA lahumul qaalibuun.



WA SALALLAAHU CALAA NABIYAA MUXAMADIN WA CALAA AALIHI WA SAXBIHI WA SALAM,
SUBXAANAKALLAAHUMA WA BIXAMADIKA ASTAQFIRUKA WA ATUUBU ILAYKA,
WA YAQDACA DAABIRAL KAAFIRIIN,
WAA AAKHIRU DACWAANAA: ALLAAHUMAJCAL MINAL MUJAAHIDIINA A IMATAN YAHDUUNA BI AMRIK WAMKIN LAHUM FIL ARDI,
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WA BARAKAATUHU.
__________________
هنيئا لكم اللحاق بالاحبه
يا ابى عمر وابي حمزه

تقبلكم الله ياتاج رؤوسنا وقرة عيننا
في اعلى عليين
اللهم عليك بالرافضه الانجاس فأنهم لاعجزونك
حسبنا الله ونعم الوكيل
حسبنا الله ونعم الوكيل
حسبنا الله ونعم الوكيل
  #26  
Duug Ah/old 28th November 2009
Sayfu Imam Dawahiri Wuu Maqanyahay
Xubin Firfircoon
 
Join Date: Oct 2009
Posts: 131
Sayfu Imam Dawahiri is on a distinguished road
Default Qubuuriyiinta Galgaduud oo Qaatay Mowqifkii Qureyshtii Gaalada ahayd (Is-dabomarinta Bilaha iyo maalmaha Xurmada leh)

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR LAA ILAAHA ILLALLAAHU ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR WALILLAAHIL XAMDU. Ciid Mubaarak Dhammaan. Sanadkan kiisa kale Allaha na gaarsiiyo waddankoo xor ah oo Shareecada Islaamka looga dhaqmayo.

“Dirqi buu igu qabsaday hadalka inaan anigu dooxaaye”. Waa howshii culumada iyo ducaadda inay ka hadlaan arrimaha saan culayska u ah ee khilaafsan wixii loo soo diray nabi Muxamed (SCW). Ducaaddii howshaan qaban lahayd qaar baa Xajkoodii labaatanaad ama ka badan u jooga Xaramka iyadoo Qubuuriyiintii dadkii Soomaaliyeed ihaahyo iskaga dhigeen marba hadday u sheegayaan maalinta la ciidayo iyo markaan la ciidayn! Lacagtaas ducaad badan Xajka ku aadayso waxay ahayd in Qubuuriyiinta lagula jihaado! Waxaa ka sii daran, waa gabeen inay ka hadlaan oo ay gaalaysiiyaan niman shacabkii muslimiinta ahaa gaalnimo iyo ilxaad la soo galay. Waxaa ka sii daran waxay dacaayad la dabo joogaan wiilashii mar hore arkay in Qubuuriyiintu mushrikiin yihiin!

Qofkii shaki uga jiray gaalnimada Qubuuriyiinta Galgaduud haddaa lagu sheegayaa waxay ku gaaloobeen. Wey dhacdaa in acmaasha la sameeyo bilaha kowgooda sida Ciidul Fidriga ama midda bilaabata bilaha kowgeeda sida Ramadaanka aysan dadka qaarkiis arki karin bilashada bisha. Maaddaama aysan bilaha Islaamku ku dhammaan maalin gooniya oo ay 29 iyo 30 ku dhammaan karaan Ilaahay wuxuu jideeyey in dadka muslimiinta ah dadaalaan oo raadraadiyaan bisha. Hadday kala caddaan weydo ay 30-ka bishaas dhamaystiraan haddii la waayo cid sheegta bilashada bishaas.

ALXAMDULILLAAH maaddaama Islaamku ilaa aakhiru zamaanka joogayo hadda adduunkii wuxuu noqday tuulo yar oo la iska warqabo. Bishii Xijaas lagi arki waayo waxaa laga arkayaa Yaman ama Soomaaliya ama Khaliijka. Laakiin qofkii sida Suufiyada ka shakiya muslimiinta kale oo dhaha:inaan bisha arko maahee yeeli mahayo waxay heystaan marmarsiinyo.

Ilaahay xigmad badanaa. Waxaad mooddaa in maalmaha la guto Xajka aan cududaarkaasi soconayn. Ilaahay wuxuu ka dhigay acmaasha Xajka in la guto intooda badan maalmo ka fog bilashada bisha sida 8, 9, 10, 11, 12 ilaa 13-ka bisha Dil Xajjah. Qofkii bisha bilashadeeda laga qariyo wuxuu garanayaa in maalinta ku xigta bishu koow tahay ama labo. Xitaa haddii labo maalmood laga qariyo waxaad arkaysaa in bishu bil seddex tahay. Waxaan xasuustaa aabbayaasha iyo hooyooyinka Soomaaliyeed ee degmooyinka, tuulooyinka iyo miyiga jooga oo inta bisha saas u fiirshaan kuu sheegaya in koow ama labo ama seddex ama afar tahay! Waxay wax ku qiyaasi jireen inta bishu le’eg tahay iyo halkey cirka ka taagan tahay. Waa waxay ku barteen khibrad oo sugan.

Ilaahay baa xigmadda og. Maxaa dhihi lahaa haddii maalinta Tarwiya laga bilaabo 1-da Dil Xijjah? Carafana la istaago 2-da bisha! Oo qaabkaas ay ugu xigaan acmaasha aan naqaan? Ka soo qaad in Bisha Dil Qacdah ku dhammaatay 29-tan laakiin Xijaas laga arki waayey dabadeedna la yiri hala dhammeystiro bishii Dil Qacdah? Xisaabta ku darso iyadoo meesha ay joogaan muslimiin lix bilood ka soo lugeynayey Shiinaha iyo Induniisiya waa markii aan diyaarado iyo maraakiib fiicani jirin? Maxaa Xajkaas ka dhici kara? Waxaan ka wadaa axkaamta Xajka oo ah sida hadda aan naqaan laakiin laga soo bilaabay 1-da dul Xijjah!

Markii la arko bishii oo labo ah, ma maalinta Tarwiyadaa la tuurin oo Carafa la istaagin mise Tarwiyaa booska la galin? Haddii booska maalintaas labaad ee la rabay in Carafo la istaago la geliyo maalinta Tarwiyada ah; maalmihii Xajkoo dhan baa is dabo maraya. Mana jirayso maalin xukunkeedii la siiyey. Maalinta Acmaasha badankeeda la samayn lahaa ee la rabay inay noqoto maalinta 3-aad oo xoolaha la qali lahaa, la xiiran lahaa, la tuuri lahaa dhagaxtuurka jamrada weyn, Kacbadana la dawaafi lahaa (oo hadda ah 10-ka bisha) waxay noqonaysaa inay dhacdo maalinta afraad ee la rabay inay noqoto maalinta koowaad ee Yoomu Tashriiqa!

Waxaa fudud in la yiraahdo Yoomu Tarwiyah la tuuro si ugu yaraan Carafo maalinta Carafo loo istaago oo maalmaha ka dambeeyana ay booskoodii heystaan. Hadday saas dhacdana inkastoo Xajku saxayo laakiin qaabkii loo gudan jiray baa ugu yaraan khaldamay maaddaama maalintii Tarwiyah meesha ka baxday!

Marka Ilaahay ka naxariis badan in shaki ka galo xajka qof dhul saas u fog ka yimid oo weliba la ogyahay in waqti kasta inta badan dadka muslimiinta ah aysan awoodin inay soo xajiyaan, inta xitaa soo xajidana ay intooda badan ku tahay dhib dhaqaale oo weyn. Kaaga darane qofka intaas oo dhib ah soo maray ma filayo inay niyaddiisu sugnaaneyso mar hadduu ogaado in acmaashii Xajka qaar laga tagay ama la isdabo mariyey!

Haddii maalin soon ku dhaafto waad soo gudeysaa. Sidoo kale haddii bilasha Shawaal la arki waayo ama la waayo qof soo arka waxaa la tukanayaa maalinta labaad. Xikmadda kale ee ku jirta waa iyadoo Xajka laga rabo inay noqoto arrin Caalami ah. Waa suurtogal in Ciidda Soonfur muslimiinta qaar laga qarsho bisha oo labo maalmood lakala ciiddo laakiin midda AdXaa waxay ku xirantahay dadka Xajka tuban marka Ilaah baa na siiyey waqti aan ku hubsanno bisha intaan la gaarin 8-da bisha. Sidoo kale la inna kama rabo inaan Ramadaanka iyo Ciidda Soonfureed ku soo tukanno Xaramka. Marka haddii maalin lagaa qariyo adoo dhulkaagii jooga waad soo celinaysaa. Laakiin haddii acmaasha Xajka shaki galo waxaa ka ratibmeysa arrimahaan soo sheegay. Arrintaas darteed Ilaahay wuxuu geliyay acmaasha Xajka maalmahaas aad aragteen. Sidaas darteed waa mustaxiil in bisha la sixiwaayo intaan la gaarin 8-da Dil Xijjah. Haddii la sixiwaayo waxaa dambaabaya muslimiintoo dhan maxaa yeelay sina macquul uma aha in la sixi waayo! Yaa suuraysan kara sida intaas oo waddan oo muslim ah u sixi waayi karaan bisha ka hor maalinta siddeedaad? Ma aha arrin ay Suufiyadu u helayaan qiil ah “fiihaa qowlaan.”

Waan ognahay in khilaaf darteed ay Suufiyaal badan jecelyihiin inay khilaafaan muslimiinta. Waa wax iska cad inay ugu dhowaan Soom kasta iyo Soonfur kasta ay muslimiinta khilaafaan. Soonqaadkii iyo Soonfurtii ugu dambeysay waa khilaafeen muslimiinta. Laakiin Ilaah baa sugaya gaalnimadooda. Waxay shalay oo Jimce ah iyo maalinta aan maqaalka qorayo oo ah Sabti 11/12/1430 oo ku began 28/11/2009 Suufiyadu sameeyeen waa gaalnimo cad. Waxaa meesha ku jira afar arrimood oo labo ka mid ah ay diideen maalmo Ilaah jideeyey oo ah in bishu 10 tahay oo acmaasha inteeda badan la sameeyo iyo maalinta 11-naad oo acmaal kale la sameeyo. Tan seddexaad dadkii bay u diideen inay Salaadda Ciidda tukadaan. Diidmada kama wado tii khasabka ahayd ee waxay ku qanciyeen inay xaq ku taagan yihiin markaasay dadkii lumiyeen. Tan afraad waa is dabomarinta oo maalintii 11-naad bey ka dhigeen maalintii 10-naad. Sidaan horay u sheegay intaadan maalin 10-naad keenin waa inaad horta marka hore diiddaa inay tahay maalinta 11-naad. Iyo sidoo kale caksiga arrintaas. Saas darteed baan arrinta hore isu raacshay.

Arrimahaas mid kasta oo ka mid ah baa goonideed u ah gaalnimo. Waxaa dhaama qof aan Salaadda Ciidaba tukan oo aan cidna u diidin inay tukadaan. Sababtoo ah culumada badankeed baa qaba in Salaadda Ciiddu tahay Sunno adag. Marka inta u qabta inay Sunno adag tahay kuma gaaleysiiyaan qofkii ka taga. Laakiin cidna iskuma khilaafto inuu gaalyahay qofkii yiraahda looma baaha in la tukado ama dadka u diida.

Qubuuriyiinta Suufiyada waxaa heysta Aayad Muxkam ah oon Ictisaam iyo Salafiyo Jadiida ka fujin karin. Ilaahay baa Suuratu Towba ku leh Afsoomaali ahaan:

“Innamannasii’u Ziyaadatun fil kufri…, ilaa dhammaadka aayadda! Aayaddu waxay caddayneysaa sidii Qureysh ay bilaha xurmada leh isu dabomarin jireen. Markay doonaanna waa soo hormarin jireen, markay doonaanna dib bay u dhigi jireen. Wixii shalay Qubuuriyiinta Galgaduud sameeyeen waa arrintaas oo cad. Qofkii gaalnimada nimankaas ka shakiya isagaa gaal ah. Shacabkii ogaa arrintaas ee ku dabotukaday iyaguna waa gaalo haddaysan jirin cid lagu khasbay ama jaahil ka ah arrintaas! Ma filayo inuu jiray qof lagu khasbay inuusan shalayna Ciidin; maantana ciido. Kii jaahil ka ahaa arrintaasoow haddaa laguu sheegay. Culumadu iyo ducaaddu haka hadleen idaacadaha. Qaarkood waxay idaacadaha ka caayaan Mujaahidiinta iyagoon innaba caddeyneyn gaalnimada Qubuuriyiinta!

Arrintaas dhibka leh ee Suufiyadu samaysay waxay Karaamo u tahay qolyaha Jihaadaya. Firqada Naajiyada ah baa arki karta cidda diinta iyo dalka dhibka ku ah. Shabaabku waa ka mid dadka si toos ah ula dagaali jiray Qubuuriyiinta. Shabaabku waxay ku sheegeen gaalo Qubuuriyiinta jooga Galgaduud! Kuwo culumo iyo ducaad sheeganaya baa dhihi jiray waa dagaal fidno oo labo kooxood oo muslimiin ah baa is leynaya! Waxba warkaas kama jirin. Qubuuriyiintu waa mushrikiin. Qofkii shaki uga jiroow hadda shakigii waa kaa baxay. Qubuuriyiintu waa ka liitaan saaxiibkood Zenawi.

Shabaabka iyo xoogaaga X. Islaam ka tirsan oo dariiqa saxda ah ku taagan waxay u ordayeen inay shacabka Galgaduud ka xoreeyaan mushrikiinta. Dadweyne badan arrintaas waa fahmi waayeen. Marka abaalmarintiinnii waad hesheen maaddaama mushrikiintii idiin diideen inaad ciiddaan maalmihi xurmada lahaa! Waxaa intaas dheer Raxmaddii Ilaahay ee roobka baa diidday inay halkaas ka da’o. Roobkii Deyrta waa ka raadgatay inuu Dhuusamareeb, Caabudwaaq iyo Guriceel ku da’o markii iigu dambeysay! Marka waa ayaandarro in shacab intaas le’eg hoosjoogaan niman sidii Fircoon ilaahyo sheegtay! WALLAAHI Qubuuriyiintu waxay sheegteen ilaahyo!

Aniga xageyga Firqada Naajiyada ah waa Shabaabka. Waa iyaga cidda Ilaah u sahlay inay aragto mushrikiinta, gaalada iyo gaalo-raacyada. Marka Shabaabku mar horay shuufeen waxa Qubuuriyiintu soo waddo. Shabaabku waa saxsanaayeen. Marka inta iska deysaan dhageysiga ducaadda Murji’ada ah ee aan nimankaas hal marna ka hadlin hala raaco Shabaabka si Galgaduud looga xoreeyo Qubuuriyiinta. Hadda Shacabkii Galgaduud waa arkeen gaalnimada Qubuuriyiinta waana u diyaar in gobolka laga xoreeyo. Marka Ilaahay baa Karaameeyey Shabaabka maaddama ay soo baxday waxay sheegi jireen.

Marka intaan Qubuuriyiintu naga fadarayn maalmaha Xurmada leh ee soo socda sida Muxaram oo dhan iyo maalinteeda Caashuura ama aan la gaarin Ramadaanka iyo Soonfurta dambe waa in nimankaas laga saaraa gobolka sida ugu dhaqsiyaha badan. Waxay ku fiican tahay in shacabka gobolku isku dayo inay marka hore madaxa ku diiraan oo hadday kaalmo rabaanna walaaluhu kaalmeeyaan laakiin khaladka dadka gobolku galeen waxaa ka meyri kara inay ku jihaadaan Qubuuriyiinta.

Waa nasiibdarro in annagoo soo taagan Suufiyadu isdabomariso maalmaha ciidda. Marka wiilasha Axmed-madoobe daba-ordayoow arka Qubuuriyiinta ilaahnimada sheegatay. Marka hubkaad ku ridaysaan Kismaayo waad ku khaldanaydeen. Qorshuhu wuxuu ahaa in Galgaduud laga xoreeyo mushrikiinta ciidda ka hor laakiin Axmed-madoobaa docwareen ku sameeyey Mujaahidiinta. Marka qofkii Islaamka u dambqanayoow tooshka ku ifso mushrikiinta joogta Galgaduud oo halaga qabto shacabka muslimiinta ah. Haddii kale maalinta Caashuraa bay maalin kale noogu bedeli doonaan! Allaahu Akbar kharribat Galgaduud, innaa idaa nazalnaa bi saaxati qoomin fasaa’a sabaaxul mundariin.
F.G. Acmaasha kale ee Xajka ee la sameeyo maalmaha ka horreeya maalinta siddeedaad waan ka tagay sababtoo ah ma leh maalmo go’an oo waxay ku xiran tahay qofka markuu Beytka Ilaahay soo galo. Marka dawaafka koowaad iyo Cimrada iyo Xajku noocuu yahay waxay ku xiran tahay waqtiga qofkaasi soo galay ama uu doortay. Sidoo kale maqaalku ma aha mid diini ah marka kuwa Murji’ada ah yeysan isku luggoyn kadabo-qaadashadiisa.WA SALALLAAHU CALAA NABIYAA MUXAMADIN WA CALAA AALIHI WA SAXBIHI WA SALAM,SUBXAANAKALLAAHUMA WA BIXAMADIKA ASTAQFIRUKA WA ATUUBU ILAYKA,WA YAQDACA DAABIRAL KAAFIRIIN,WAA AAKHIRU DACWAANAA: ALLAAHUMAJCAL MINAL MUJAAHIDIINA A IMATAN YAHDUUNA BI AMRIK WAMKIN LAHUM FIL ARDI,ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WA BARAKAATUHU.
CABDUL WAAXID KHALIIF
  #27  
Duug Ah/old 8th December 2009
mohamedil islam's Avatar
mohamedil islam Wuu Maqanyahay
anasru lil muslimeen
 
Join Date: Sep 2009
Posts: 64
mohamedil islam is on a distinguished road
Default

Dowladda Shariif ma Riyaa (Dheelalaab) Mise waa Riwaayad?


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato, Qeyb riyada ka mid ah waa wax Ilaahay kugu ilhaamiyo. Qeyb kale waa waxyaalo shayaadiin ka timaadda. Qaarna waa wax maskaxdaada ku jiray ood ku seexatay. Marka laga reebo walwalka iyo fikerka maskaxdaada ku jiray ee la xiriira qeybta dambe, waxa riyada dhacaya wax shuqul ah kuma lihin halka riwaayadda oo riyada kala mid ka ah inaysan xaqiiq ahayn ay nooga baxdo maskax, maal, waqti, iyo howl culus.
Dowladda Shariif in kastooysan riyo/dheelalaab ka marnayn haddana aan u deynno inay riwaayad tahay! Inay riwaayad tahay waxaa u daliila, nin aan shan kiilomitir xukumin sidee u sheegan karaa madaxweyne? Sidee buu u dhisay wasiirro iyo xukuumad? Baarlamaan?
Riwaayaddii ugu horraysay shariif wuxuu ku jilay hogaanka Midowgii Maxkamadaha. Markaas huga/dharka uu xafladaha ku tagi jiray wuxuu ahaa qamiis. Markii Mujaahidiintii saxda ahayd ku jireen halganka; Shariifku wuxuu ku jiray qaadashada waxa afka qalaad lagu dhaho "fancy dress costumes." Wuxuu qaadi jiray heeso dabacsan (hadalo dabacsan oo dadka soo jiitay.)
Riwaayaddii ku xigtay wuxuu u jilay si aan caadi ahayn! Wuxuu ku jilay mujaahid. Wuxuu dadkii tusay inuu hayo Sheekh Usaama raadkiisa. Waxaa la arkay isagoo qamiis qaba, watana jaakad tuute ah oo haddana qori AK 47 jeeniqaarsan markay Maxkamaduhu kaabiga u istaageen magaalada Baydhabo oo xarun u ahayd C/hi Yuusuf! Qofkii caqli lihi waa garanayey in jilistu aysan caadi ahayn. Sababtu waxay tahay wuu qaadan karay tuute isku joog ah ee muxuu Bin Laadin ugu dayday?
Horta markaas qolyihii halganka taageeray waxba kama sheegin Shariifka sababtoo ah weli lama soo bixin waxay CIA isku ogaayeen laakiin sida muuqata markaas wuu u shaqaynayey. Markuu Yemen fariistay baan sheegay in riwaayaddaasi xambaarsanayd inuu adduunka tusayey in Maxkamaduhu ay ku dayanayeen Bin Laadan, uuna yahay hogaamiyahooda si Marakaykanku marmarsiinyo ugu helo in Zenawi galo Soomaaliya iyadoo adduunkoo dhami fiirsanayo. Sidoo kale Carabahuu tusayey in Maxkamaduhu ay Bin Laadin ku jaalyihiin si aysan uga hadlin arrinta qabsashada Tigreega ee Soomaaliya. Riwaayaddaasi waxay u dhacday sidii loogu talogalay.
Riwaayaddii ku xigtay waxaa alifay Bush. Wuxuu rabay inuu dhaho Shariifka oo la soo qabtay. Haddana wuxuu yiri: Shariifka oo isa soo dhiibay. Zenawi oo yaqaan sida loo sameeyo cododka Soomaaliga ah maaddaama uu Soomaaliya joogi jiray, qabiillooyinka Soomaalidana kala yaqaan baa diiday inuu cod u sameeyo riwaayaddaas. Waxay Bush ku qasabtay inuu ka dalbado niman wadaaddo Soomaaliyeed sheegan jiray oo Shariifka saaxiibbo la ahaa inay cod u sameeyaan riwaayaddaas! Haddee "wadaadadaasi" ma aqoon qaabka riwaayadaha, waxay isku dayeenna waa lagula dhiirran waayey in laga dhigo golayaasha dadweynaha. Ugu dambeyntii waxaa riwaayaddaas lagu fiirsaday safaaradda Maraykanka ee ku taal Kenya.
Nasiib darro Shariif waxaa mar kale loo doortay inuu noqdo arbihii wax ka jilayey riwaaddii caanka ahayd: kooxda dib-u-xoraynta Soomaaliya ee laga dhigay waddanka Eritereeya! Shabaabku waxay sheegeen inay waxaasi riwaayad tahay. Aniga lafteydu waxaan ku jiray dadkii qoraal iyo hadal ku diiday riwaayaddaas. Waxaa riwaayaddaas soo dhoweeyey Soomaali inteeda badan waxaan laga dhigay meel kasta oo Soomaali joogto – gudo iyo dibadba. Waxaa arrintaas sahlay qabsashada Tigreegu qabsaday Muqdisho iyo Soomaaliya oo dhan. Waxaa la isku qanciyey in lacagta riwaayaddaas loo baahan yahay (dadkaa lacag looga aruursan jiray. Runtiina lacagta qaarkeed waxaa lagu saaray Itoobiya laakiin waxaan ka hadlayaa khiyaamada Shariifka iyo saaxiibbadiis wateen). Muddo yar kaddib kooxihii riwaayaddaas dhigay waxay u kala jabeen garabka Asmara iyo garabka Jibuuti.
Intii Shariifka loo diyaarinayey inuu jilo riwaayad weyn oo la yiraahdo midnimo qaran lana rabay in isaga arbe/madaxweyne looga dhigo baa la yiri dhowr shoow ka dhig jabuuti. Waxaa showyadaas ka mid ahaa markuu dhowr jeer shir uga baxay safiirka Itoobiya u fadhiya Jibuuti oo shirka yimid? Xitaa Amiin Caamir arrintaas waa ka hadlay mar uu cabbiray: Axmed Walad Cabdalla oo Shariifka ku leh: mar kasta oo safiirka Tigreegu soo galo ka baxa shirka si shacabka Soomaaliyeed kuu arko inaad waddani tahay! Waqtigaan aan joogno Shariifku wuxuu Zenawi ka codsaday inuu waddanka u qabto laakiin ilaa hadda Zenawi baa diiiddan oo baqaya!
Maddaama riwaayaddiisii dib-u-xoraynta Soomaaliya laga fiirsaday meel kasta oo Soomaali joogto ayuu istusay in middaan midnimo qaran ka sii fiicnaan doonto oo xitaa laga dhigi doono Puntland iyo Somaliland! Riwaayadaas waxa laga dhigay oo keliya seddex goobood oo Amisom joogto sida Madaxtooyada, Kulliyadda Jaalle Siyaad iyo Xalane. Horta Amisomta ku jirta Xalane iyo Kulliyada Jaalle Siyaad maaddaama aysan Soomaali aqoon waa iska fiirsadeen muuqaalka Shariifka. Marka laga reebo Amisom, Madaxtooyada waxaa ku jira mooryaan marqaansan iyo dhowr dagaalooge. Iyaguna waxay cunayaan jaad oo dan weyn kama laha fiirsashada riwaayada.
Riyadu waxay uga duwantahay riwaayadda, ma jirto cid aan Ilaah ahayn oo kula og waxaad ku riyootay haddaadan adigu sheegin. Waxaad soo bandhigto riwaayadda waxay ku xiran tahay sida daawadayaashu u arkaan. Haddii madaxweyne Soomaaliya lahaan lahayd ood dhigtid riwaayad ka soo horjeedda isaga, waxaad ka soo jeesan lahayd xabsiga haddaan xabbadi ku qaadin! Shariifka riwaayaddii midnimo qaran wuxuu ku caayey diintii Islaamka iyo qaranimadii Soomaaliyeed. Waxaa la arkay isagoo Zenawi jilbaha heysta; muslimiintiinna ku sheegay ajaanib iyo argagixiso. Maalintaas baa cuquubo adduun ku dhacday.
Dambiguu ka galay diinta iyo dalka darteed, ninku wuxuu ku dambeeyey inuu jilo riwaayadaha xayawaanka isagoo jilaya Goriille ku jira beer ka mid ah beerta xayawaanka? Ogoow beerta xayawaanka waxaa leh shirkad ama dowlad. Waxaa ka shaqeeya dhaqaatiirka xayawaanka, dad ku takhasusay barashada dabeecada iyo koritaanka xayawaanka (Zoologists) iyo shaqaale kale oo badan oo xanaaneeya xayawaanka. Dadkaas saynisyahannada iyo shaqaalaha iskugu jira waa ka muhiimsan yihiin xayawaanka saasooy tahay, dadku waxay beerta u aadaan inay soo fiirsadaan daanyeerrada, libaaxa, shabeelka, maroodiga iyo xayawaanka kale. Marna daawadayaashu uma aadin inay soo arkaan shaqaalaha beerta ka shaqeeya.
Waa arrintaas darteed waxa dadka Soomaaliyeed ee maangaabka ah u hadalhayaan Shariif ay soo dhisteen CIA, Tigree iyo Amisom. Sida dadka beerta u daawasho tagay aysan saynisyahannada u danaynayn ayaan shacabka maangaabka ahi dan ka lahayn CIA, Zenawi iyo Amisom. Keliya waxay iska daawanayaan oo dhageysanayaan Shariifka iyo wasiirradiisa sida carruurtu u daneyso xawyaanka beerta ku jira! CIA iyo gaaladu waa tan leh qarashka lagu waardiyeeyo Shariifka. Zenawi waa cilmibaare ka shaqeeya dabeecadda Shariifka iyo waxa la mid ka ah. Amisom waa sida shaqaalaha u qubeeya sidoo kalana cuntada siiya xayawaanka ayey waardiyeeyaan Shariifka iyo "wasiirradiisa."
Shirkadda xayawaanku markay lacag-la’aan ku dhacdo ooy rabaan inay dadweynaha lacag ka helaan waxaa filim laga soo duubaa daanyeer xoqonaya iyo libaaxyo macaluul ka muuqato oo la leeyahay xayawaankan haddaan wax loo qaban waa dabar go’ayaan. Sidaasaa dadweynuhu u caawiyaan. Marna shirkadda ama dowladdu iskuma daydo inay lacag ku hesho ka hadalka shaqaalaha beerta xayawaanka. Marka lacag la helo, waxaa marka hore meel la saaraa mushaarka Saynisyahannada iyo shaqaalaha kale. Wixii soo hara baa xayawaanka wax loogu qabtaa. Waa arrintaas darteed waxaad u arkaysaa gaalada oo inta Shariif ama Ina C/Rashiid fagaare keenaan sidii xayawaanki leh hala caawiyo dadkaan haddii kale waxaa qabsaneysa argagixiso oo bireyneysa! Marka lacag la helo waxaa gacanta loo gashaa Amisom. Wixii Amisom ka soo hara iyagaa dagaaloogayaasha u yeerta oo dhaha: ciddii waardiye naga sii qabta baan mushaar siineynaa. Waa arrintaas waxaad u arkaysid Amisom oo Shariifka waardiyeynaysa in iyagana ay wiilal mooryaan ahi sii waardiyeeyaan ooy ka xigsadaan dhanka Muqaawamada.
Hadda Shariifku wuxuu ku oodan yahay wax ka yar shan kiilomitir. Haddii xildhibaanada iyo wasiirrada uu sheeganayo inta saf dheer laga gasho oo la yiraahdo: gacansaar dab, kan ugu horreeya xildhibaanadu wuxuu gaarayaa meesha ugu dambeysa dowladdiisa, Dharkeynlay, kan ugu dambeeyana wuxuu gaarayaa Xamar Weyne!
Dad badan baa riwaayadda run u qaba! Waxaad arkeysaa dad dibadaha jooga oo xayawaan ka mid ah kuwaas oo caafimaad ama lacag-aruuris loo keenay soo booqanaya! Dad waxaan aqaan markii Tigreega iyo gaalo-raacyadu xasuuqayeen shacabka Soomaaliyeed ku faraxsanaa oo hadda arrintii Shaamoow tacsi u diraya! Waxaa isweydiin leh waa gar in dhaqaatiirtii iyo ardeydii dhimatay tacsi loo diro laakiin qof aan awal shacabkii Soomaaliyeed oo culumo ku jirto ku faraxsanaa muxuu ka tacsiyeynayaa? Keliya wuxuu isleeyahay koox gooni ah ku nacee. Sidoo kale wuxuu arkay gaaladii oo tacsi u diraysa. Gaaladu waligood culumadii, hooyooyinkii iyo carruurtii la laayey uma tacsiyeyn.
Kuwo ducaad sheegta weligood uma tacsiyen dad mujaahidiin ah oo meel roon ku baxay sida macallin Aadan Xaashi Ceyroow. Waxaadse arkaysaa hadda iyagoo boggoggooda tacsi uga diraya wasiirro qaarkood Shariifka ka dambi badan yihiin oo iyagu baray Shariifka gaalada. Kuwaas ducaadda sheeganaya yeysan mar dambe idiin dhuuman. Waxay raalli gelinayaan gaalada. Ilaah baan ku dhaartee, xaggeyga Shariifkaa dhaama nimankaas qaakrood Xaramweynka wareegaya. Sababtu waa: Shariifku waa caddeystay dantiisa.
Shoowgii ugu dambeeyey (fancy dress costume) ee Shariifku wuxuu sameeyey toddobaad ka hor markii la arkay isagoo wata tuute isku joog ah! Wuxuu ka hor khudbeeyey dad waayeel u badan oo rag iyo dumarba leh oonan garanayn meel laga soo aruurshay. Fiicnaan lahaydaa inuu la yimaado kii lagu bartay ee ahaa: qamiiska, tuutaha iyo qoriga – waa kii uu Bin Laadan ku jilayey! Hadda wuxuu showga u dhigayaa inuu gaalada ku dhaho: mar dambe ma jilayo Bin Laadan oo hadda waxaan jilayaa Bhuko iyo Amisom! Waa sida Shabaabku usoo saareen cajaladdii ahayd: Shariifkii shalay iyo kan maanta. Kii qamiiska, jaakadda tuutaha iyo qoriga watay iyo kan maanta qaba tuutaha Bhuko oo kale. Shabaabku la heleen.
Siyaad-yaraanta Shariifka waxaa ku tusaya waa isagoon aqoon goorta la xirto tuutaha:
Qof askari ahaa waa xiran karaa tuute xitaa markuu sida Shariifka Shoow dhigayo.
Inaad dagaal ku jirto. Khasab maaha inaad ciidan tahay laakiin tuutaha intiisa badan waxaa loo qaataa inaan cadowgu ku arag. Haddaad meel doog ah joogto waa inay xirataa cagaar. Haddaad lama-dagaan joogto waa inaad xiraa mid cawl ah si aad ciidda ugu ekaato. Haddaad baraf joogto waa inaad xirataa mid cad.
Yaa arkay C/Qaasim oo tuute xirtay? Ama Faroole? Shariifku wuxuu iskaga dayday C/hi Yuusuf oo askari ahaa!
Waxaa la sheegay in nin riwaayad alifay kaddibna la xiray. Markaasu mid kale alifay oo uu ugu magacdaray: xoogsaan lahaaye; ma is xiray! Fiicnaan lahaydaa haddaan riwaayadaha Shariifku dhib keeneen! Iska daa shacabka la baabi’iyey iyo hantida dhulka lala simaye wuxuu halaagay dadkii dad ugu xigay. Maxaa gaaray wasiirradiisii? Wuu garanayaa waxay Cumar Xaashi iyo Prof. Caddow ugu fadhiyeen waa hadduu soo jeedo ninku? Anigu dadkaan tacsida u dirayo waa dhaqaatiirtii iyo shacabkii rogmaday iyo weliba gabadhii Soomaaliyeed ee Drs Qamar. Waxaan leeyahay Allaha u naxariisto. Khasab maaha qof kastoo Shariifka la shaqeeya in la leeyahay waa gaal. Marka waxaan kula talin lahaa haddii dumar kale ku jiro dowladdaas inay iskaga baxaan.
Soomaalida badankeedu maaha dad caddaalad leh. Dadkii wax ku noqday qaraxii Shaamoow waxaa ka mas’uul ah cidda xafladda qaban qaabisay. Waa ku khaldanaayeen in maamulka Jaamacaddu ay xafladda ku casuumaan niman aan magaalada mari karin iyagoon Amisom waardiyeyneyn. Xaggee maamulka jaamacadda ka maray hadalkii Maxamed-dheere ee ahaa: nin aan Taangi lagu wadin ma dhexmari karo Xamar? Xitaa waddamada reer Galbeedka, xukuumadda talada heysaa marna sumcad kama raadin karto xaflad qalin jabin ah. Marka see ku dhacday xaflad noocaas ah in la keeno niman wasiirro ah oo khiyaamo qaran waddanka ka galay oo la raadinayo? Raadinta Muqaawamada keliya maaha! Waxaa tartan ka dhaxeeyaa kooxda Shariifka iyo tii Mbagathi. Waddamada dunida seddexaad baad arkeysaa madaxdweyne sumcad ka raadinaya qalinjabinta ardada.
Bishii Nofeember mar ra’iisal wasaarihii hore ee Ingiriiska soo xaadiray xaflad lagu xusayey dadkii waddankaas uga dhintay Ciraaq waxaa qeyliyey waalidiin dad laga laayey oo yiri: ninkaas/Tony Blair hala saaro goobta. Waana laga saaray xafladdii! Haddee doorashadii Tony Blair la doortay baa weli Gordon Brown ra’iisul wasaare ku yahay sidaasooy tahayna waa laga saaray goobtii. Marka khaladka waxaa iska lahaa ciddii soo agaasintay xafladdaas. Hadda kaddib xaflad dambe ha ku saabsanaato carruur Qur’aan dhameeyey ama kuwa ka soo baxay dugsi hoose ama wax kale ha ahaato yaan la keenin goobahaas niman la raadinayo oo Amisom waardiyeyso. Marka haddii madaxda jaamacaddu is lahaayeen sumcad u sameeya dowlad iyo wasiirro aan jirin haddee ha arkeen dhibku intuu la ekaan karo. Aqoonyahanka khaasatan dhaqaatiirta lama rabo inay wax ka jilaan riwaayadaha siyaasadeed. Marka meesha dowlad ma joogto oo waa niman ku xaraysan beer xayawaan oo leh shaqaalihii ugu badnaa (Amisom).
Waa Ilaahay mahaddii haddii arrinta Shariifku ku soo xirantay riwaayad iyo inuu xrito "fancy dress costume.". Wuxuu iila ekaaday wiil yar oo mar Shariifku Tarabuunka dadweyne ugu khudbeynayey 2006-dii watay tuute isku joog ah iyo buntukh caag ah! Hadda Shariifkii CIA waxay ka dhigtay carruur oo wakaas tuutaha ku ciidaya. Marka wakaas ku xareysan wax ka yar shan kiilomitir. Mar horana waa waayey wasiirradiisii uu ugu jeclaa oo soo gacanqabtay. Marka hadduusan ka toobad keenin haddee waxaa aakhiro jiraa ka sii weyn. Marka ninkii diintiisa, dalkiisa iyo dadkiisa khiyaama saasaa u dambeysa. Wiilashii CIA iyo isagu ka soo horjeedeen baa dhulkii Ilaah gacanta u gashay. Wakuwaas la dagaalaya Shirkiga. Waxay hayaan shaqadii Rasuulku (SCW) u diray Khaalid Binu Waliil markii Makkah la furtay ee ahayd inuu soo jajabiyo sanamyada. Kuwii ducaadda sheegan jirnay qaarna wakuwaaas Kenya hoos jooga oo taageera ka raba, qaarna wa kuwaas Xarameynka jooga oo wasiirrada Shariifka u tacsiyeynaya. Marka Ilaah baa dadkii kala saaray.
Fa Innaa Qad Wajadnaa maa Wacadanaa Rabbunaa Xaqqan; Fahal Wajadtum maa Wacada Rabbukum Xaqqaa?


WA SALALLAAHU CALAA NABIYAA MUXAMADIN WA CALAA AALIHI WA SAXBIHI WA SALAM,
SUBXAANAKALLAAHUMA WA BIXAMADIKA ASTAQFIRUKA WA ATUUBU ILAYKA,
WA YAQDACA DAABIRAL KAAFIRIIN,
WAA AAKHIRU DACWAANAA: ALLAAHUMAJCAL MINAL MUJAAHIDIINA A IMATAN YAHDUUNA BI AMRIK WAMKIN LAHUM FIL ARDI,
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WA BARAKAATUHU.

Cabdulwaaxid Khaliif" <cabdulwaxid@hotmail.com
>
  #28  
Duug Ah/old 17th December 2009
Muxibu Amiir Albaqdaadi Wuu Maqanyahay
Xubin
 
Join Date: Jun 2009
Posts: 94
Muxibu Amiir Albaqdaadi is on a distinguished road
Default Sanamkii Dowladda Shariifka (Baarlamaanka) oo la La’yahay Meel la Suro iyo Shabaabka oo Dowlad Salafi ah soo Wada.W/Q:Cabdiwaaxid Khaliif.

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.Aaway dowladdii Islaamka ahayd? Maxaa xildhibaannadu u leeyihiin hala geeyo baarlamaanka Puntland? Hay’addii Culumada Soomaaliyeed waxay dhaheen waxaa timid dowlad Islaam ah! Qaar iyaga ka mid ah baa inta u tageen Al-Callaama, Shariif C/Nuur Allaha xafidee oo muddo xanuunsanaa bay ku dhaheen waxaa timid dowlad Islaam ah ee dadka u sheeg in la taageero oo laga dambeeyo. Shariif C/Nuur.


Wuu aaminay nimankii ardadiisa ahaa ee ducaadda ahaa laakiin Ilaah baa arrintii caddeeyey. Marka Insha Allaah shariif C/Nuur Allaha xafidee waa Mujtahid oo arrintaas hal ajar buu ka helayaa. Shariif C/Nuur wuxuu weligiis arkayey in wiilasha Mujaahidiinta ah kheyr soo wadaan, waana la arkay kheyrkii. Marka shariif C/Nuur dacwadiisii miray dhashay mar haddii ardadiisii Koonfurta Soomaaliya gacanta ku hayaan. Shariifku wuxuu dhib ku qabay inuu daruus ka soo akhriyo Xamar isagoo Lafoole degenaa ilaa lagu dhaawacay isagoo gurigiisa u socda. Hadda waddanka badankiisu waa nabad.


Sheekh Boqolsoon Allaha janadiisa dhex maquuriyee wey usoo carfaysay inuu guushaan arko. Intuusan dhiman wuxuu u tagay wiilal Luuq iyo Gedo joogay isagood mooddo inuu raalli ka ahaa oo macasalaameynayey sidoo kale wuxuu u dardaarmay dumarka. Raggii Boqolsoon Allaha u naxariistee soo booqday oo qoriga sitay, qaarkood iyo madaxdoodii waxay ka soo horjeedaan Mujaahidiinta. “Alloow yaa u soo cesha booqashadii Boqolsoon”. Qaar kale waxay ku jiraan Shabaab iyo Xisbul Islaam.


Ma ka yeelnaa culumada iyo ducaadda inaan taageerno niman sanam wata? WALLAAHI Qurayshtii gaalada ahayd baa ka macquulsan Shariifka (madaxweynaha sheegta) iyo Janaqoow! Mushrikiinta Qureysh waxay sanamyada ugu dhowaan jireen Allaah sida Qur’aanku xusay halka Shariifka iyo Janaqoow inta Ilaahay ka dheeraadeen rabaan inay dastuurka ugu dhowaadaan Maraykanka! Marka qofkii qiil u raadsha niman ka liita Qureyshtii gaalada ahayd cidna warkaas yeeli meyso.


Hadda waxaa ka soo baxaya Makkah in niman ducaad sheegta ay la shireen xujeydii qabiillooyinkooda ahaa iyagoo raba in la iska horkeenno Mujaahidiinta iyo shacabka Soomaaliyeed! Waa nimankii horay u yaqaanay “dacwatu yaa qoomii”! Markaas waxay oran jireen: dhib ma leh in qabiilkaaga diinta loogu yeero. Dhib ma leh arrintaasi inkastoo dadka qaarkiis ka digeen. Isla “ducaaddaasi” waxay isticmaalayaan dacwadii yaa qoomii oo lagu burburinayo Shareecada Islaamka ee ka hanaqaadday gobollo badan oo dalka ah! Waa uun haweenaydii Qur’aanka xusay ee inta soohday xarig dabadeedna markuu adkaaday oo samaysmay dib u furfurtay. Nimankaas waxaan u aqaanaa Janaqoowyada qurbaha jooga.



Janaqoowgii Xamar af labadiis buu yeeray. Heer wuxuu gaaray uu fatwo janno ku gasho kuwii ka bakhtiyey Gabre iyo maryo-calastii! Wuxuu Janaqoow sheegay in korneyl C/hi khalad ahayd in lala dagaalo! Micnuhu waa: gef bay ahayd inaan Itoobiya ka saarno waddanka!



Waxaan dhalinyarada Soomaaliyeed u sheegayaa inaad iska jirtaan in diinta laga dhigo qof ama koox la iska dabogalo. Labada arrimood ee Shabaabka lagu duro waxaa ka mid ah:



1. In culumada aysan maqlin! Taas sax maaha. Shabaabku waa ku saxsanaayeen inay diidaan Shariifka iyo Janaqoow. Waa mar kale oo Ilaahay muujiyey in Shabaabku sax yahay. Marka culumada xaqaa lagu raacaa ee khalad laguma raaco.



2. In la yiraahdo waaqica bay ka soo horjeedaan oo ma aaminsana sida adduunku u shaqeeyo! War sida gaalo u shaqeyso waa baadil. Miyaan dhallinyaradu fahmin in Islaamku yahay caalami? Ilaahay baa leh inuu nabiga (SCW) u diray caalamkoo dhan/kaafah. Arrintaas darteed waxaa saxaabadii ugu horraysay ka koobnaayeen wiilashii Nabi Nuux (CS) oo dhan. Nabi Muxamed (SCW), Abuu Bakar (RC), Cismaan Binu Cafaan (RC), iyo Cali Binu Abii Daalib (RC) oo Cadnaan iyo Tafiirtii Nabi Ibraahim metalaya. Billaal Al-Xabasha (RC) oo dadka madoow matalaya iyo Suheyb Ar-Ruum (RC) oo caddaanka matalaya. Salmaan Al-Faarisi (RC) laftiisu wuxuu matalayey Faaris iyo dadka Aasiya deggen. Qof baa laga yaabaa inuu is dhaho Salmaan (RC) kama mid ahayn Saabiqiinta! Salmaan (RC) wuxuu hayey astaamaha nabiga (SCW) Abuu Bakar iyo Cismaan Binu Cafaan (RC) oon ogayn inuu nabi noqon doono. Wuxuu muddo ku jiray inuu nabiga haleelo. Marka nabiga (SCW) oon la soo dirin baa dhici karta inuu xaq-raadis ku jiray. Sidoo kale Khubeyb iyo Cammaar Binu yaasir (RC) oo dadka laga badan yahay ah ama aan hubaysnayn metelaya. Marka dowlad aan bilowgeeda dadkaas caalamiga ah lagu salayn ma aha dowladdii nabi Muxamed (SCW) taagay. Waa nasiib darro in qaabkii nabigu (SCW) wax u dhisay ay duraan dad culumo iyo ducaad sheeganaya!


Waan ognahay in qiyaamaha markii la gaaro ay xubnaha qofku ku markhaati furayaan. Barakada Shabaabka waxaa ka mid ah in kuwii Doofaaray iyo Jabuuti lagu soo dhisay sheegayaan inay haystaan sanam ah Baarlamaan. Sanamkaas waxay u jecel yihiin si aysan Ilaah u jeclahyn. Sidoo kale waxay u jecel yihiin si aysan waddanka iyo dadka u jeclayn. Dadkii Soomaaliyeed oo dhimanaya, qaxaya oo dhaawacmaya kama fekerayaan ee waxay ku dhegen yihiin baarlamaan Kenya lagu soo dhisay. Muslimiinta, Musaaxifta Qur’aanka iyo Masaajidda dan kama leh. Waa calooshood-u-shaqeystayaal iyagu uun iska fekeraya!



Marka dhallinta waxaan uga digayaa ninkii nin daaci ah ku raaca khalad wuxuu la mid noqonayaa kuwii Qur’aanku ka digay ee la yiri waxay culumadoodii iyo wadaadadoodii ka dhigteen rabbiyaal! Ma jiro nin qiil u heli kara dowladdaas la’ meel ay sanamka surtaan. Marka yaan la idin ku dirin wiilashaas kheyrka wada. Teeda kale, ma filayo cid aan Ilaahay ahayn inay wiilashaas wax ka qaadi karto. Marka qof kastoow lafahaaga u tur. Marka Janaqoow wuxuu noqday Zindiiq. Wakaas iyagoo sanamkii meel ay dhigaan la’ ku haya qofkii difaaca sanamkaas waa shahiid! Marka wiilashaas shirkiga iyo gaalada la dagaalaya hala taageero. Sidii Hindi Bintu Cutbah u jabisay sanamkeedii markay muslintay iyadoo leh:



Kunnaa minka fii quruur.



Marka dowladdaasi jabtaye hala sii jabiyo.



WA SALALLAAHU CALAA NABIYAA MUXAMADIN WA CALAA AALIHI WA SAXBIHI WA SALAM,ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WA BARAKAATUHU
__________________
هنيئا لكم اللحاق بالاحبه
يا ابى عمر وابي حمزه

تقبلكم الله ياتاج رؤوسنا وقرة عيننا
في اعلى عليين
اللهم عليك بالرافضه الانجاس فأنهم لاعجزونك
حسبنا الله ونعم الوكيل
حسبنا الله ونعم الوكيل
حسبنا الله ونعم الوكيل
  #29  
Duug Ah/old 22nd December 2009
Muxibu Amiir Albaqdaadi Wuu Maqanyahay
Xubin
 
Join Date: Jun 2009
Posts: 94
Muxibu Amiir Albaqdaadi is on a distinguished road
Default

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.



Fiicnaan lahaydaa hadday ku ekaan lahaayeen sheeko xariirta Cigaal Shiidaad laga sheego oo kaliya! Waxaan cimaamadda u soo qaatay waa anoo ka fogaanaya in wax diin ama cilmi la xiriira aan cid ku dacaayadeeyo. Dhar-xirashada keligeed diin ma keento. Marka waxaan ka fogaanayey inaan xuso magac ah sida culumo ama ducaad anoo qolooyin heysta. Haddii kale waxaan oranayaa: dad culumo ama ducaad sheeganaya.

Ceebtuu Cigaal Shiidaad sameeyey waxaa ka mid ahaa isagoo geelii aabbihiis hal gooniya ka doortay. Wax la yaab ah kuma aha dhaqanka miyiga. Sida magaalada waxyaalaha lagu ciyaaro loo siiyo carruurta baa wiilasha reer miyiga saas lagu sasabi jiray. Hasha gooni uma leh laakiin si gooniya buu u dhaqaaleystaa. Iyaduu maalaa markay irmaan tahay. Kama daalayo raacista geela maxaa yeelay “hashiisaa” ku jirta! Saasoo kale, nimankaas cimaamadaha wata qaarkood, dadka waa kala sooci jireen. Wiilaashaas hadda ay geeska gasheen markay ardadooda ahaayeen waa ka soo dhoweynsan jireen shacabka kale.

Qolyaha xerowda oo u baahnaa in la soo dhoweeyo waxaa loo daruuri jiray gaashaanka ilaa la gaaray xitaa in cuntada laga qarsado! Marka waa dad awalba kala qeybinta ku fiicnaa. Markii Towxiid si fiican loo fahmay, haddana waa tan qeybin dheeraad ah ilaa wixii ay wiilasha soo bareen hadda ceeb laga dhigay sida Jihaadka! Cigaal Shiidaad dhibtiisu aad uma darneyn. Wuu ogaa dhibta dhacday iyo hasha libaaxu cunay. Ma u malaynayo inaan Cigaal-Shiidaad garanayn bahalku noocuu ahaa ee waxay ka ahayd falsafad iyo inuu afka soo mariyo magaca Libaaxa isagoo uga dan lahaa: jiirkayo xaraar! Weli waan ixtiraamaa dadka wax qora ee aan afka ku ballaarin Maraykanka iyo Tigreega, haddiiba ay sheegayaan in wax dadka Kanada u eg (Maraykan) ama kuwa Jibuuti (Tigreega) ay Shacabkii Soomaaliyeed laynayaan sidii Cigaal markuu geela carraabinayey u lahaa:



Wixii Webi cunay

Waan u jeedoo

Waa il giirnaa

Wax dameer le’eg

Yuu ahaayoo

Kase daboweyn

Hoobaya hidoow!



Nimankaas cimaamadaha wata waa ka fog yihiin Cigaal Shiidaad oo waxay leeyihiin: Webi baa ahayd hal dhib badan oo iyadaa libaaxa raadsatay! Ama wiilasha la dhashay Cigaal baa raalli ka ahaa in libaaxu Webi Cuno! Waxaan ka wadaa inta masaajid fariistaan bey Amisom dhahaan waxaa u yeertay dowladda Soomaaliyeed oo waxay waardiyeynayaan Shacabka! Sidoo kale inta qoraallo soo saaraan bay dhahaan Shabaabkaa khaldan!



Cigaal Shiidaad farsamo kale ma samayn. Wuxuu allifay farsamo uu casho ku helo. Wuxuu yiri: Webi waxaa nuugay nirigteedii ee intay xiskimeyso aan maalo hal kale. Waa laga yeelay wuuna iska seexday. Khaladka Cigaal galay wuxuu ahaa isagoon sheegin in hasha la cunay. Wiilashii markay hasha waayeen waxay ku noqotay inay baaritaan sameeyaan xerada geesaheeda iyo degaankii geela u foofay. Saacado badan bay qaadatay. Ugu dambeyntii geel-jirayaal kale oo maqlayey heestii Cigaal geela ku carraabinayey ee ahayd: wax dameer le’eg yuu ahaayoo kase dabo weyn baa la gartay in hashii libaax cunay. Cigaal baa lagu soo noqday oo laga dalbaday inuu geeyo meeshii hasha libaaxu ku cunay. Wuuna yeelay.



Qofka diinta kuuga soo gabada ee muxaadaro ama qoraalo ka soo horjeeda Jihaadka soo saara waa ka daran yahay Cigaal Shiidaad. Xitaa waa ka daran tahay arrinta mufasiriinta iyo muxadathiin badan ka sheegaan saxaabigii Waliid binu Cuqbah. Mar nabigu (SCW) u diray inuu qolo dhowaan muslimtay ka soo uruuriyo Zako buu inta baqay oo dhex ka soo noqday wuxuu sheegay inay diideen Zakadii, ayna damceen inay dilaan! Arrintaas waxay keentay in nabigu (SCW) ciidan dumo si loola dagaalo qolodaas. Saasoo kale dadka wadaad-xumayaasha ah waxyaalaha ay sameeyaan waxaa ka mid ah dhibkaas oo kale. Hadday baqaan ma dhahayaan weey baqeen ee si ay madaxa ciidda uga qaataan waxay alifayaan been iyo dacaayad.



Saxaabiga Waliid isagu ma raadsan inuu Zeko soo aruursho. Ma filayo inuu beentaas alifi lahaa haddaan la dirin. Qolyahan cimaamadaha wata ee dibadaha jooga haddii gaaladu ku khasbi lahayd inay saas dhahaan waan u cududaari lahayn laakiin iyadoon cidna ku khasbin bay diyaar u yihiin inay isku diraan shacabka iyo Mujaahidiinta!



Walaalaha Cigaal Shidaad wey ogaayeen inuusan libaaxa wax ka dileyn ee waxaa loo watay inuu raqdii hasha tuso si ay u sugaan in libaaxu ku soo noqdo raqdiisa. Cigaalna markii raqdii la tagay oo libaaxii dhufays loo galay buu iska seexday. Raalli baa looga yahay in qolyahaas cimaamada wata aan cidna dagaal ka dalban. Dhib ma leh haddii wixii diin ah ooy yaqaannaan dadka u gudbiyaan. Cigaal-shiidaad shaqo weyn buu hayey – inuu geelo raaco maalintii. Waa howl dhan lafteedu.



Wiilashaas geeljirayaasha ahaa ee la dhashay Cigaal waxay ahaayeen garyaqaanno. Markay libaaxi dileen baa la goostay maaddaama Cigaal khalad ku galay inuu qariyo akhbaartii libaaxa oo keentay in la galo howl culus oo ah baadigoob hal la cunay ayaa la goostay in bakhtigii libaaxa inta la fariisiyo oo la xarig la qaatay lugu xiray Cigaal oo hurda dabadeena inta la toosiyey la yiri: war Cigaaloow libaaxa! Cigaal wuxuu indhaha kala qaaday libaaxa ku soo jeeda oo afarta addin ku fadhiya! Maxaa ka dhacay! Xitaa haddii waxa libaaxa iyo Cigaal la iskula xiray ahaan lahaayeen silsilad, Cigaal waa goosan lahaa. Sheekadu waxay sheegtaa in Cigaal maryihii iska halleeyey baqdin darteed.

Nimankaas muxaadarooyinka iyo qoraalada ka soo horjeeda halganka meelaha la taagan waa in la mariyaa ciqaab intaan la gaarin tan dambe ee aakhiro. Waxay samaynayaan ma aha wax caadi ah. Gaalo cad iyo mid madow oo u tashatay Islaamkii baysan u jeedin oo waxaa Ilaahay tusay wiilal kheyr keenay. Wiilashu Shirki bay la dagaaleen. Meelahay xukumaan waa nabad iyo aamin. Waxyaalihii diinta difaacday oo dhan baa xurmo ku leh meelahay xukumaan saasooy tahay niman dhul gaalo jooga baa meelahaas ka soo tannaagoonaya!



Waxaan Shabaabka kula talin lahaa inaysan dadkaas culumada iyo ducaadda sheeganaya dacaayadeen ooysan oran: waa iska fariisteen. Haddii la dabodhigto, iyaguna sidii Waliid bay is difaacayaan oo sida hadda ay dariiqa la taagan yihiin bey leeyihiin: dagaalka Amisom iyo Shabaabka u dhaxeeya waa fidno! Iyagoo raba inay helaan qiil aysan Jihaadka u gelin. Marka arrintaas darteed, qofku waa biqi karaa ee yaan la gaarsiin heer qofku been-abuur ku bilaabo Jihaadka iyo xaqa.

Taan ku leeyahay dadka culuamda iyo ducaadda sheegta waa: haddaad rabtaan sidii Cigaal afka uga dhowray magaca libaax, idinkuna haddaad rabtaan ha soo hadalqaadina Maraykan iyo Zenawi laakiin marna xaqa hala dagaalina. Qofka reer miyiga ah wuu yaqaan magacyada xasharaadka iyo mulacyada degaankaas, iska daa duurjoogta waaweyne. Marka Cigaal wuu yaqaan libaaxa ee dad baa aaminsan haddaad magaca libaax ku dhawaaqdo inuu ku maqlayo oo adi ku qaadanayo. Marka haddaad Maraykan iyo Itoobiya ka baqaysaan, keliya dhaha: dad dadka Kanada u dhashay u eg (Maraykan) iyo kuwa dadka reer Jibuuti u eg (Xabashida) baa Soomaaliya dhib ka wada! Ama iska aamusa.



Shacabka waxaan leeyahay waa in la digtoonaadaa. Qof kasta waa ogyahay cidda Amisom iyo Shabaab saxsan. Gaalada waxaa ka daran nimankaas aan soo sheegay iyo kuwo badan oo far-gaalo wax ku qora iyo weliba boggagga Soomaaliyeed intooda badan. Dadkaas inkaarta qaba yeysan idin ku dirin wiilashiinna. Keliya samra. Sidii Ilaahay u caddeeyey arrintii Waliid baa Ilaahay nooga deeqayaa dhibka kuwa cimaamadda noo soo qaatay iyo gaalo-raacyada ka hadla arrinta Soomaaliyeed.

WALILLAAHIL CIZATU WALI RASUULIHI WA LIL MU’MINIINA WALAAKINAL MUNAAFIQIINA LAA YACLAMUUN.

WA SALALLAAHU CALAA NABIYAA MUXAMADIN WA CALAA AALIHI WA SAXBIHI WA SALAM,

ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WA BARAKAATUHU.

__________________
هنيئا لكم اللحاق بالاحبه
يا ابى عمر وابي حمزه

تقبلكم الله ياتاج رؤوسنا وقرة عيننا
في اعلى عليين
اللهم عليك بالرافضه الانجاس فأنهم لاعجزونك
حسبنا الله ونعم الوكيل
حسبنا الله ونعم الوكيل
حسبنا الله ونعم الوكيل
Mawduucan wuu xiran yahay


Thread Tools
Display Modes

Posting Rules
You may not post new threads
You may not post replies
You may not post attachments
You may not edit your posts

vB code is On
Smilies are On
[IMG] code is On
HTML code is Off
Forum Jump


Saacada oo Dhan Waa GMT +3. Hadane Saacada Muqdisho waa 06:46.


Disclaimer/Ogaysiin/تنـويـه
بسم الله الرحمن الرحيم


Assalamu alaikum
Alqimmah waa Shabakad islaami ah oo daneysa arimaha Ummadda.
Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay.
waana shabakad madax banaan oo aan taabacsaneyn Urur gaar ah ama Dowlad,
laakiin waa mid Xaqa Raadisa xili kastaba.
Qof walba oo Muslim ah Xaq ayuu uleeyahay in uu akhristo ama uu wax ku qoro shabakada.
--------------------------------

Alqimmah is islamic network which interests the situation of Islamic ummah
Every thing you post here does not mean that the administration are happy whit it It is a network which does not belong to any organization or government or any other direction Every Muslim has the right to read or post at alqimmah islamic network

--------------------------------

نحب أن نحيط علمكم أن شبكة القمة الإسلامية شبكة مستقلة غير تابعة لأي تنظيم أو حزب أو مؤسسة من حيث الانتماء التنظيمي بل انتمائنا وولائنا التام والمطلق هو لإخواننا الموحدين شرقا وغربا ممن انتهجوا نهج الطائفة المنصورة علما وعملا وخلقا كما أن المواضيع المنشورة من طرف الأعضاء لا تعبر بالضرورة عن توجه الشبكة إذ أن المواضيع لا تخضع للرقابة قبل النشر


Shabakada Islaamiga Alqimmah / Nidaamka © 1433-2012