Shabakadda Al-Qimmah||Golaha U Gargaarayaasha Mujahidiinta
    ÅÊÕá ÈäÇShabakadda Al-Qimmah||Golaha U Gargaarayaasha Mujahidiinta


Bishaaro Farxad U Ah Walaalaha Cusub Ee Al-Qimmah: Sharax Sawiran Ee Ku Saabsan Nidaamka Isticmaalka Shabakada Islaamiga Al-Qimmah  
Cudur daar ma harin:: Sharaxidda barnamijka leeysku qariyo ee Tor + Sawiro + Su'aashaad rabtid soo bandhig  

Isdaaraadka Iyo Bayaanaatka ka Cusub Shabakada Islaamiga Al-Qimmah
  #1  
Duug Ah/old 21st June 2008
Mr.BiLaL's Avatar
Mr.BiLaL Wuu Maqanyahay
Xubin Cusub
 
Join Date: Apr 2010
Posts: 46
Mr.BiLaL is on a distinguished road
c/waxid khaliif Bushraa: Dhamaan maqaalada qoraaga Soomaaliyed C/waaxid Khlaiif-wafaqahu Allaah-

Abuu Mansuur Vs Sheekh Shariif

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Muqaawamada iyo Abuu Mansuur weydiideen shirkii ka socday Asmara. Anigu lafteydu si toos ah ayaan maqaal aan ku diiddanahay uga qoray. Shaki ma leh in dad badan oo daacad ah ay meesha joogeen laakiin waxaa meesha is dhexyaacayey dad tiro badan oo kala ujeeddo ah.


Dad dibaha ka yimid oo damac siyaasadeed leh. Dammanayaal sheeganayey xildhibaanno baarlammaan iyo dad daacad ah oo sidaas dan moodday. Niman badan oo Xuseen Caydiid iyo Shariif Xasan leh baan ka magaacabay. Raggaan qoonsaday waxaa ku jiray sheekh Shariif laakiin waan ka gaabsaday anoo u tixgeliyey wanaagiisii hore. Laakiin hadda maaddaama uu isa soo bannaandhigay ayaan goostay inaanan ka gabban qofkaan is dhaho wuxuu khiyaamo ku wadaa qaranka Soomaaliyeed.
Muqaawamada iyo Abuu Mansuur (iyo markii Shariif qummanaa) waxay sheegeen iney jiraan seddex cadow:

1. Dagaaloogayaasha Soomaaliyeed iyo wixii ku caqli ah.
2. Tigreega iyo wixii ku xiran (Yemen, Jibuuti,….iwm.)
3. Cadowga kale ee dibadda oo u horreeyo maamulka Bush iyo wixii raacsan.


Muqaawamada, Abuu Mansuur iyo Soomaali badan weli meeshoodii bey taaganyihiin halka sheekh Shariif bilaabay inuu cadowgii ku soo koobo Itoobiya oo keliya! Wuxuusanba fahmin in dagaalkii uu ku soo caanbaxay uusan la gelin Itoobiya ee uu la dagaalay dagaaloogayaal ay soo kireysteen maamulka Maraykanka haddaad rabto dheh CIA. Dagaaloogayaashu waa cadowga koowaad ee Soomaaliya. Wixii dowladdii hore geysatay ma Zenawi baa geystay?

Wixii Caydiid iyo dagaaloogayaasha kale geysteen ma Zenawi baa shuqul ku lahaa? Markii USC-du Koonfurtoo cagta marinesay; Zenawi cidna ma aqoon welina ma noqon ra’iisul wasaare. Marka hadda ma la fahmay in cadowga koowaad yahay dagaalooge iyo waxa la shaqeysta? Abuu Mansuur waa ogyahay oo waa isaga dhaha lama fariisanayo C/hi Yuusuf, Nuur-cadde, Cabdi Qeybdiid, iyo Maxamed-dheere halka Shariifku diyaar u yahay in uu wax la qeysado.


UN-ka uu sheekh Shariif ka sugayo iney wax u qabato; Abuu Mansuur wuxuu u arkaa qolo u shaqeysa maamulka Maraykanka. Dhabcan waa saas. Kama hadleyno hay’adaha gargaarka ee waa Golaha Amniga. Is-caawintu waa ka dhaxeysaa binu Aadamka. Markaan Tigreega ka hadleyno kama wadno waxaan la dagaaleynaa qof kasta oo u dhashay Itoobiya. Soow dad u dhashay Itoobiya ma joogaan Boosaaso? Hargeysa, Gaalkacyo iyo meelo kale? Haa. Waa dad qaxootiya oo u baahan in sidii loo caawin karo loo caawiyo. Marka hay’adaha gargaarku halkaas bey soo galayaan. Maamulada Maraykanku waxay Golaha Amniga ugu shaqeystaan labo siyaabood:


1. Qofkii Maraykanku maaro u waayo wuxuu ka dhigaa sidii qof aan dabaal aqoon oo biyo lagu tuuray (wuu xanuujiyaa oo laayaa). Dabadeedna wuxuu Golaha Ammaanka ku dhahaa iska dhiga qof badbaadinaya oo soo qabta. Ka warran qof biyo ku haftoonaya ma diidayaa cid caawisa? Taasaa keentay markii sheekh Shariif u adkeysanwaayey kaneecadii, dukheyntii kaarayaasha iyo madaafiicda Itoobiya iyo tii diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayuu yiri Ilaahoow yaa mar gacanta i qabta. Nasiib-darro waxaa gacanta ku dhigay CIA iyo UN-ta. Muqaawamada kale oo Ilaah ku xiran waxaa badbaadiyey oo dabaasha baray Ilaah. Marka meel kasta ooy tagaan waa badbaadaan. Golaha Amnigu intuusan gacanta ku qaban wuxuu shuruud kaaga dhigayaa inaad ogolaato waxay wataan. Waxay iska dhigaan iney maamulka Maraykanka ka madaxbannaanyihiin oo ay dhexdhexaad yihiin. Laakiin
si ka khiyaamo badan seddexdaas cadow ayey noola xaalaan.

2.
Haddii qof Soomaaliya oo raba inuu dadkiisa Soomaaliyeed ee biyaha ku hafanaya ka badbaadsho waxaa isa soo taagaya Golaha Ammaanka oo oranaya: adigu waxaad ka timid Koonfur marka ma badbaadin kartid qof ka yimid Punltand iyo Somaliland. Waxay leeyihiin haddaan kuu deyno waad sii hafineysaa/quusineysaa! Marka raalli ahoow oo ku ekoow qabiilkaaga! Iyaga keliya wax badbaadsha! Markaad guuleysato iyagaa ku hor istaagaya. Soow iyaga ma ahayn wixii maalmo ka hor intaan Zenawi soo weerarin Xamar kuwii qaaday cunaqabateynta hubka? Waxay dhaheen qeyb ka mid ah! Zenawi waa cadow oo waa la fahmi karaa weerarkiisa laakiin waxaa ka liita kuwa iska dhigaya iney adduunka metelaan oo sidaas oo kale cadowgaaga ula shaqeynaya. Marka kuwii shalay sheekha dharbaaxay ayuu hadda isu dhiibay.



3.Waxaa kaloo muhiin ah in aan milicsanno markii dagaaloogayaasha laga saarayey Xamar waxaa hub-wareejinta tagijiray oo ka khudbeynjiray rag ay ka mid ahaayeen: Ceyroow iyo Abuu Quteyba Allaha u naxariistee sidoo kale waxaa ka mid ahaa Abuu Mansuur, Fu’aad Shangole iyo sheekh Shariif.


Qof kasta oo khudbad jeediya wuxuu oran jiray waxay ka tahay dar Ilaah. Waxay sheegijireen iney u istaageen iney dalka ka difaaceen cadowga gudaha iyo kan dibadda (seddexdii cadow ee kore). Markii Itoobiya qabsatay waddanka Xasan Daahir Aweys, Abuu Mansuur iyo Fu’aad Shangole waxay joogeen Xaramka. Sheekh Xasan iyadoo Xajkii maalmo ka dhimanyihiin buu dib ugu soo noqday Xamar. Ma oday lix sano ka weyn baa isagoo Xaramkii jooga dib u soo noqday si uu Itoobiya ula dagaalo? Yaa sameyn kara? Kolley anigu ma sameyn karo.

Abu Mansuur iyo Fu’aad Shangole markey Xajkii dhammeysteen ayey iyana saaxiibadoow oo ku go’doonsanaa keymaha ku soo laabteen. Iyana waa ka dhabeeyeen ilaa hadda ballantii ay qaadeen. Yaa sameyn kara? Kolley anigu ma sameyn karo.


Sheekh Shariif oo BBC-da ka lahaa ma jiro cid nooga badan halganka in kastoo la heli karo cid iila mid ah! Soomaalaay maanta idiinkaa markhaatiya ee arrinta marag ka noqda. Miyaan sheekh Shariif markuu u adkeysan waayey kaneecadii dhoobeyda sidoo kalana ay jiif iyo joog u diideen daryankii madaafiicda iyo gantaalaha Itoobiya iyo Maraykanka uusan soo aadin xadka innaga iyo Kenya noo dhaxeeya? Miyuusan soo-dhoweyn ka helin mid ka mid ah seddexdii cadow –maamulka Bush?

Halka Abuu Quteyba uu ku dhintay dagaalladaas miyaan sheekh Shariif lagu soo dhoweyn daaro ku yaal Kenya? Ilaah baan idin ku dhaarshee ma la simi karaa raggaas iyo sheekh Shariif? Sida Ilaahay Qur’anka ugu dhaho Afsoomaali ahaan: Mu’miniinta waxaa ka mid ah rag ka run sheegay waxay Ilaahay kula ballameen.

Qaar waa ku dhinteen (cidna Ilaahay uga tazkiyeynmeyno laakiin Abuu Quteybah iyo Ceyroow baa ka mid ah), qaarna waa sugayaan (cidna Ilaahay uga tazkiyeynmeyno) laakiin waxaan rajeyneynaa in Abuu Mansuur, Fu’aad Shangole iyo ragga la midka ah ay ku jiraan. “WAMAA BADDALUU TABDIILAA” waxna iskama bedelin. Marka yaa is bedbedelaya? Ilaahay fadligiis Abuu Qutuyba iyo Ceyroow kuma dhiman xabbad ay soo rideen Ashahaado-la-dirir. Haddii taasi dhici lahayd waxaa dadka qaarkiis is oran lahaayeen waa dagaal sokeeye waxaana dhici kartay in qaar is dhahaan si aan fiicneyn bey u dhinteen laakiin waxaa si xaqdarro u dilay Maraykan iyagoo jooga ciiddoodii hooyo. Ma lihi dadkii ku dhintay xoreyntii Xamar iyo meelo kale kheyr looma rajeynayo. Insh Allaah kulligood kheyr baa loo filayaa.


Waxaan ka arkay sharraxa kitaabka Ujrumiga isagoo leh: waqtiga dhibaatadaa la bartaa qofka walaalka ah. Dadka ku jihaadaya Tigreegu ma simi karaan Abuu Mansuur iyo sheekh Shariif? Kitaabkaas wuxuu sidoo kale sii yiri isagoo xusaya mar Cumar Binu Khidaab (RC) uu weydiiyey Camri Binu Dii-Macdiyakrib (RC) dagaalka. Camri wuxuu yiri: markii dagaalku shidmo oo dhudhumada la feyto, waa la fahmaa kii ku samra; sidoo kale waa u dhammaataa qofkii daciif noqda. Marka Shariifku waa ka soo cararay dagaalkaas marka isaga iyo muqaawamada gudaha joogta ma sinna. Shariifoow kaligaa kuma ahid cararka. Anigu waan kugula jiraa oo waxaan Soomaaliya uga soo cararay inaan anna la idilin, aniguna aanan cidna dilin. Marka waxa qurbaha jooga oo dhan baad isku jaal tihiin.


Sheekh Xasan Daahir waxaa u dhisan niyadda oo wuxuu ku mowqif noqday raggaas akhyaarta ah oo aan xusnay halka sheekh Shariif ay isku jaal yihiin Shariif Xasan. Sharii Xasan waa ninkii Soomaaliya soo gashay Tigreega. Markii Maxamed-dheere ka soo ceyrshay C/hi Jowhar yaa korneylka kusoo dhoweeyey Baydhabo? Yaa isagoo Qanyare iyo Muuse Suudi xulufo la ah ku xirtay C/hi oo Cadan ka dhacay? Yaa isagoo Baydhabo leh shirbaan guddoominayaa ay hortiisa waardiye ka ahaayeen Tigree? Yaa haddana ku soo biiray Maxkamadaha? Yaa hadda dib ugu noqonay Tigree iyo C/hi? Xasuuso heestii gabadhii lahayd:
  • anoo Baladxaawo jooga muxuu Bari iiga yeeray
  • markaan Boosaaso gaaray muxuu Burco iiga heesay
Aakhirkii waxay gabadhu tiri:
  • haddaan boqsadoo ka reysto
  • sidaan uga booday caashaq
  • jacaylba haddaan u booyo
  • haddaan nin dambe u baroorto
  • aniga belaayaba ha iga raacdo
Goormaa sida gabadhaas, Shariif Xasan iyo inkaar qabayaasha kale ee Soomaaliyeed ka bogsoondoonaan xukun iyo lacag-jacaylka? Ma filayo in daawo loo helayo. Xataa Ashahaato-la-dirirkii la ogaa wax ku dhacay weli waxay u soo taaganyihiin jagooyin iyo xukun! Been ma sheegayo waxaa inkaartu ku dhacday waa shacabka Soomaaliyeed. Saa waa iyaga waxa soo dhoweysta cid kasta oo dhawaaqda.
Sheekh Xasan Daahir wuxuu uga duw

an yahay Abuu Mansuur iyo Fu’aad waa isagoo wax is huwan kula shiray Asmara. Muqaawamada iyo dadka wax qora qaarkood waa ka digeen shirkaas. Sidee Sheekh Xasan iyo dad la mid ah uga hoosbaxday iney sheekh Shariif madax ka dhigaan iyagoo og sheekadii ku qabsatay Kenya? Soow waxaan ka digaynay maanta ma taagna – labada sheekh kala cesha? Fiicnaan lahaydaa inaad sheekh Shariif ku dhihi lahaydeen inuu dadkiisa dhinac ka raaco ama Xamar aado laakiin aan marna madax laga dhigin.

Faa’iidada ugu weyn ee shirkii Asmara waxaa gaaray maamulka Maraykanka iyo Golaha Ammaanka. Waxaa madax ahaan lagu dhawaaqay ninkii ay wateen – sheekh Shariif. Waa isagu sheekhu Jimcihii lahaa ma jirto cid ka qaadi karta jagadaas. Markey ugu yaraato waxaa loogu yeerayaa garab ka mid garabyada Asmara.
Sidii uu soo qoray C/Kariim Hirsi, sheekh Shariif wuxuu ka yiri Jibuuti in ururkiisu yahay urur nabad ah oo loo dhisay inuu Soomaaliya ka metelo golayaasha ay isagu yimaadaan beesha caalamka! Haddiiba ururka magaciisa la dhaho dib-u-xoreyn marka ma garanayo meesha sheeku ka keenay sheekadaas.

Marka haddii uu sheekhu af waddan ku xoreyn karo haddee waa loo fadhiyaa. Marka xisbiyo laga hadlayo waxaa jira labo xisbi – XIZBULLAAHI (kama hadlayo Lubnaan) iyo xisbi-sheydaan. Waxaan shaki lahayn seddexdii cadow oon soo sheegnay ineysan ka mid ahayn xisbiga Ilaahay. Marka sheekhu ha ogaado inuu ku biiray xisbiga sheydaanka. Sidoo kalana ha ogaado in xisbiga Ilaahay ay guushu ku dambeyndoonto.


Dad badan oo diin laga ururinyo ayaa meelaha kaga hadaaqa sheekhu wuxuu rabaa inuu si qunyar socod ah talada waddanka kula wareego kaddibna uu diinta Ilaah nagu dhaqo! Waxaysan xisaabta ku darsan sidii horay loo sheegay Xamaas iyo Falastiin. Ma filayo in si ka xirfad badan sidii ay doorashooyinka Xamaas ugu guuleysatay ciddi ku imaan karto doorasho sidaasooy tahay marna ma cajab gelin maamulka Maraykanka.


Xamaas oo xukunka heysa waxba kama difaaci karto waddankeeda halka XIZBULLAAHIDA Lubnaan aan iyagoo xukun heyn ay waddankeeda sidii la ogeyd u difaacday. Sababtu waa iyagoo aaminsaneyn sheekooyinka ay Ikhwaanulmuslimiinku ku wareershaan shacabka iyagoo sheegi jiray in qaabkii Xamaas ku timid xukunka uu yahay kan ugu fiican. Waxaysan xisaabta ku darsan in cadowgaagu uusan kala jecleyn dariiqaad ku imaaneyso ee mar kasta kaa hortaaganyahay ku dhaqanka Shareecada Islaamka. Taasina wax uma Xamaas. Marka haddaadan halganka u marin sidii la rabay hadhoow baa laga shallaayayaa.


Waxaan shaki lahayn in ciddii Shariif Xasan iyo wax la mid ah faraqa ku xirata belaayo u dambeyso. Miyaan laga weynaan san-dareeradii ay ku haligmeen dagaaloogayaashu? Mar horaan dagaaloogayaasha u soo qaatay sheekada ninkii lahaa ari ay ku jirto lax marka arigu foofo inta dib usoo guryo noqota cabta wixii ciir iyo caano meesha yaal. Maalintii dambe baa reerkii guuray.

Markii duhurkii la marayo baa ninkii yiri war meeday laxdii ciiro? Arigii waa laga waayey markaasaa ninkii yiri: Ilaahay waan aqaan. Caallihii/waraabihiina waan aqaan. Laxdii Ciirana waan aqaan. Wuxuu yiri Ilaahay laxdaas iyo dhurwaa is gefsiin mahayo iyadoo is leh gurigii laga soo guuray ciir iyo caano ka soo cab. Ninkii dib buu ugu soo noqday meeshuu ka guuray.


Laxdii oo leh guriga ciir ka soo cab baa dhurwaa dhex ka helay. Sidii ninku sheegay bey noqotay oo wuxuu is kortaagay raqdeedii. Dagaaloogayaasha sidii baa ku dhaxday markay isku dayeen iney afduubaan wadaadada oo waa tii Ilaahay belo kaa raaciyey. Marka haddii sheekhu uu ka soo haro halkanka loogu jiro in dagaaloogayaasha iyo Tigreega waddanka laga saaro waxaan filayaa in sidii laxdaas ay ceebi u dambeyso.

Waxaan ka dignay shirkii Asmara inuusan faa’iido keeneyn sababtaan xusay darteed. Marka iyagaa labada Shariif jago u dhiibtay. Waxa labada Shariif keenaan waxaa wax ku yeelnaya Sheekh Xasan Daahir, Zakariye iyo waxa la halmaala. Maxaad hadda la qeylineysaan haddaad maalin walba shacabka aad wareerisaan? Abuu Mansuur, Fu’aad iyo saaxiibadood waa idin ka saxsanaayeen markay ka biyo diideen shirkaas. Marka waa caddahay iney waddo sax ah ku taaganyihiin.

Muqaawamadu halkoodii bey taaganyihiin. Cadowgii ay sheegi jireen bey cadow u arkaan halka sheekhu uu Jimcihii dhowaa ka lahaa: inuusan ogeyn cadow aan Itoobiya ahayn! Wuxuu yiri haddii Itoobiya baxdo maxaa loo dagaalayaa? Isagu muxuu 2006 u dagaalay? Mise dagaaloogayaal baa dhamaaday? Dagaalkaas Itoobiya shuqul kuma lahayn oo dagaaloogayaashaasi waa ka soo horjeedeen Zenawi?

Haddeysan nimankaasi cadow ahayn maxaa loo laayey ama loo ceyrshay? Maxaa hubkoodii iyo hantidoodii loo qabsaday? Miyaadan u jeedin sida uu sheekhu u gabi dhexyeynayo? Inkastoon horay usoo qoray haddana waxaa si xallad leh sheekha su’aal u weydiiyey dhegeyste Hargeysa jooga oo yiri: adigoo dhul, hub, ciidan heysta baad diidday inaad Itoobiya horfariisato marka maxaa maanta ku wada? Markuu ka warwareegtay ayaa Yuusuf Garaad ku ceshay laakiin sheekhu qosolgariir buu ka qaaday. Waxaan maqli jiray belaayo waa tii kaa qoslisa. Waxaan sheekha ku leeyahay cadowgeenna koowaad waa dagaaloogayaasha iyo waxa la halmaala.

Tigreegu waa labaad laakiin waa waajib in waddanka laga saaro. Marka haddaad seddexdii cadow aad mid ka soo reebtay haddee adaa Ilaahay la hortagin. Waxaan aaminsanahay waxa ku raacsan waa boqollaal qabiil kugu taageersan. Iyo boqollaal aad isku mabda’ tihiin oo aaminsanaa sheekho kale.

Hadday run noqoto in Itoobiyaanku hubeeyeen ururkii Ashahaado-la-dirirka qaarkood waxay u egtahay iney rabto iney Xamar kusoo celiso dagaalkii sokeeye sidii kii afarta bilood iyo wax la mid ah si iyaguna uga baxaan iyagoo ku dhaafayaan isbaarooyin iyo Ashahaado-la-dirir.

Korneylka muxuu sameyn? Waxaa dhici karta in la yiraahdo ku noqo Puntland oo shidaal ka qod! Marka sheekhu wuxuu duudkiisu noqday buundo uu cadowgaasi u isticmaalayo inuu usoo tallaabo dhinaca muqaawamada si loo wiiqo. Laakiin tan Ilaah baa socon



C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
  #2  
Duug Ah/old 22nd June 2008
Mr.BiLaL's Avatar
Mr.BiLaL Wuu Maqanyahay
Xubin Cusub
 
Join Date: Apr 2010
Posts: 46
Mr.BiLaL is on a distinguished road
Default

alxamdulialah calaa bayaan al/xaq wa dalaam al/baadil

al-xaqu ablaj wal baadilu laj-laj.

xaqa waa cadyahay baadilkuna waa mugdi iyo luuq-luuq badanyahay.

alaah hanagu sugo dariiqa toosan aamiin aamiin
  #3  
Duug Ah/old 22nd June 2008
محب المجاهدين Wuu Maqanyahay
Muraaqib
 
Join Date: Nov 2007
Posts: 311
محب المجاهدين is on a distinguished road
Default

Asalaamu caleykum.

Mashaa allah ikhwaani maanta waxaa wali u cadeyn shacabka somaaliyeed qaarkood waxa uu ku dhacay shariifka oo qalad ah, lakiin waa waajib saarin in ay culumada u cadeeyaan arinkaas iyo walaalaha madaxda alshabaab.

Maanta waxaa dadbadan ay leeyihiin wey wanaagsantahay in la keeno UN maadaama ay ku jiraan dowlada muslimiin ah, lakiin ma is weydiyeen yaa soo diray dowladahaas muslimiinta ah waxaa soo diray FIRCOONKA casriga buush iyo dhawaaqiida dowladaha muslimiinta xooga ku heysato.

Lakiin waxaa ay mujaahidiinta ka dagaalamaya gudaha dalka wacad ku mareen in ay la dagaalamayaan wixii soo gala wadanka inshaa alaah, allah subxaanahu watacalaa waxaan wey diisaneynaa in uu mideeyo walaalaha mujaahidiinta u dagaalamaayo koryeelka kalimada allah uuna ku mideeyo tawxiidka.

Ws wr wb
  #4  
Duug Ah/old 27th June 2008
abu asmaa Wuu Maqanyahay
Walaal Dadaal Badan
 
Join Date: Nov 2007
Posts: 188
abu asmaa is on a distinguished road
maqal Turaabiga Soomaaliya, Sheekh Shariif

Turaabiga Soomaaliya, Sheekh Shariif
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Xasan At-Turaabi wuxuu mar ahaa ninka ugu magac dheer Suudaan looguna taageero badanyahay. Sida sheekh Shariif u ahaa guddoomiyaha fulinta ururkii Maxkamadaha ayaa Turaabi ahaa hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee Ummadda (Suudaan). Waxaa Turaabi loo doortay wasiirka caddaaladda. Markuu Suudaan ka dhacay cinqilaabkii uu horkacayey Cumar Al-Bashiirka hadda madaxweynaha ah 1989 ayaa sumcadda Turaabi cirka sii gashay – maxaa yeelay markaas labada nin waxay ahaayeen saaxiibbo isku koox ka soo jeeda. Turaabi waxaa loo doortay inuu ku biiro golihii ummadda oo u dhigmay barlamaan 1996 wuxuuna ahaa u hadlaha golahaas (sidii guddoomiye baarlamaan).
Cadaadiska iyo Xil-ka-xayuubintu waxey muujiyaan sawirka saxda ah ee qofka
Waxaa cunaqabateyn la saaray Suudaan sida iyagoo lagu eedeeyey argagixiso iyo kasoo-horjeedka danta reer Galbeedka. Waxaa kaloo lagu heystay iney ka dambeeyeen isku-deygii dilka Xusni Mubaarak. Markaas kaddib ayaa hogaamiyaha Suudaan bilaabay inuu iska fogeeyo Turaabi. Sidoo kale markii maxkamadihii Shariifku guddoomiyaha ka ahaa laga awood batay wuxuu la soo baxay sheeko kale oon gadaal ku arki doonno. Saaxibadiisii kale ee wada kacdoonka Soomaaliya markay xoog badnaayeen iyo hadda oo la joogo waxba iskama bedelin mowqifkooda. Turaabigii calanwadeyn jiray waxaa xabsiga dhigay ninkii saaxibkiisa ahaa, Al-Bashiir sanadkii 2004-tii. Sheekh Shariif ogaanteen waxaa xabsiga dhigay Kenya markuu u adkeysanwaayey keymaha iyo dhoobeydii. Intuu xirnaa waxaa la showray CIA iyo xubno ka socda safaaradda Maraykanka ee Kenya.
Turaabi wuxuu la soo shirtagay fikrad ah in Islaamka la hormarinkaro! Wuxuu fikraddiisa sal uga dhigay sheeko ay caan ku ahaayeen qaar ka mid ah ururka Ikhwaanka oo ah: xoreynta haweenta muslimka ah. Cilmaaniyiintuna waa qabtaa arrintaas. Iska daa ka hadalka dhaxalka iyo jagada dumarku qabankaraane, Turaabi wuxuu aaminsanyahay haddii haweyneyda Maraykanka ah ee Jendayi Frazer soo muslimto iney labada Shariif iyo Soomaalidaba imaam salaadeed ugu noqon karto masaajidka Isbaheysiga Islaamka ee Muqdisho ku yaal! Micnuhu waa hadday muslimto oo iyagoo la shiraya waqtigii salaaddu soo gesho wey tujin kartaa iyaga! Turaabi wuxuu aaminsanyahay in la mideynkaro Sunniga iyo Shiicada. In heesaha iyo fanka la waafajiyo diinta Islaamka. Iyo in xuquuqda Islaamku siiyey dumarka kor loo qaado! Waxay la tahay in Ilaah iyo Rasuulkiisu (SCW) hagradeen dumarka! Ogoow waa Islaamka uu nabigu (SCW) lahaa jannadu waxay ku jirtaa hoosta lugaha hooyada. Waa Islaamka leh: hooyadaa ka horreysa aabbaha. Sheekh Shariif saaxibadiis qaar baa aaminsan iney ka dookh fiican yihiin nabiga (SCW) hadduuba isu quuray inuu guursado gabar 9 sano jirta! Jaahilkaasi wuxuu meesha ka saaray iney Caa’isho oo 9 sano jirta kheyr lala maagay. Been maaha iney da’ yarayd laakiin Ilaah baa u doortay iney ku barbaarto oo afo ka noqoto gurigii ugu fiicnaa adduunka. Yaa arkey qof dumar ah oo heysata xiriirkii iyo ciyaartii ay Caa’isha (RC) ku heysatay nabiga (SCW)? Soow hooyadeen Caa’isha maaha qofkii nabiga (SCW) ka dalbeysay inuu la daawado tabobar iyo ciyaar ay qolyo muslimiin ahi ku dhexsameynayeen masaajidka dabadeedna inta nabigu (SCW) irrida masjidka ee gurooga hortooda istaagay buu yiri garkaaga soo saaro garabkeyga dabadeedna daawo. Yaraantaas baa keentay in loo tabobaro caado aysan Carabtu horay u aqoon oo ah si fiican ula-dhaqanka xaaska. Yaa maqlay Caa’isha (RC) oo murugeysan markey arooska ahayd? Maalmo kaddib? Bilo kaddib? Sanado kaddib? Dhimashiii nabiga kaddib? Xitaa intey yarayd oo ay arooska ahayd waxay sii wadatay xoriyad ka sii badan tey ku heysatay guriga aabbaheed. Waxay guriga nabiga (SCW) keeni jirtay gabdho. Laanta waxaa la toosin karaa markey curdan tahay. Ilaah baa Xaakim ah laakiin waxaan fahmayaa in yaraantu faa’iidadaas lahayd. Marka Caa’isha waxaa lagu barbaariyey mucaasharada toosan ee saxda ah. Halka lammaane badan oo Yurub u dhashay oo markey bannaanka joogaana isu qosla laakiin markay khamri cabbaan nimanku xaasaskooda dilaan. Xitaa reer Galbeedka, lammaanayaashii si fiican isu dhaqda waxay arrintaas kaga daydeen nabi Muxamed (SCW) ileyn nabi Ciise (CS) kumeynaan maqal guure.
Sheekh Shariifkii shalay lahaa waxaan diyaar u ahay inaan ummadda Soomaaliyeed ugu shaqeeyo diintooda ayaa hadda leh waxaan isu keenayaa Bush iyo muslimiinta! Wuxuu rabaa inuu wax la qeybsado Ashahaado-la-dirir sida korneylka, Cabdi Qeybdiid iyo Maxamed-dheere (sheekadii Turaabi ee Sunni iyo Shiico). Waxaad moodda inuu leeyahay waqtigan oo kale markii la joogo xalka lagama raadsho Islaamka ee waa in la aqbalo sheekada Bush iyo Golaha Ammaanka oo isla Bush horboodo. Sheekhu Tusaalihii uu usoo qaatay heshiiskii Xudeybiya oo intuusan BBC-da ka oran aan maqaal ugu digay in dad badan oo khiyaamo raba ay tusaale usoo qaataan heshiiskaas. Bal aan wax ka iftiimiyo:
  1. Xagee Xudeybiya ku taal? Waa Makah duleedkeeda. Nabiga (SCW) waxaa markaas saldhig u ahaa Madiina mana xukumin Makah. Marka nabiga (SCW) iyo saxaabadu iyagaa cibaado raadsanayey ee cidna ma soo weerarin lamana qabsan. Tusaalihiisu wuxuu sax noqon karaa innagoo rabna inaan Jigjiga iyo Diridhaba qabsanno ama galno oo la yiri intaad dagaali lahaydeen joojiya oo sanado kaddib baad si nabad ah ula wareegi doontaan.
  1. Markii dagaalkii dhufeyska/Axzaab Madiina la soo weeraray ayaa nabigu (SCW) u turay Ansaar oo wuxuu yiri huwanta Qureysh la socota qaar aan timir siinno si ay dagaalka uga baxaan. Sacad Binu Mucaad (RC) baa yiri nabi Allow ma Waxyi baa mise waa talo? Nabigu (SCW) wuxuu yiri: waa talo. Sacad wuxuu yiri: markaan gaalada ahaynba baad maanu bixin jirin oo waa naga iibsan jireen timirta marka annagoo hadda muslim ah ma bixineyno baad. Ummad la hareereeyey baa diiday iney xoogaa timir ah bixiyaan iska daa iney mabda’ooda Islaamka ah ka tanaasulaan ama cadow kale u yeertaane. Nasiibdarro dad muslim sheeganaya baa timir la siinayaa si waddankooda loo gumeysto, muslimiintana loo laayo.
  1. Nabiga (SCW) iyo saxaabada (RC) waajib kuma ahayn aadidda Kacbada markaas keliya waxay u socdeen Cumro aan markaas waajib ahayn. Waxay ogaayeen iyadoon cidna loo diidin Kacbada. Waxay ogaayeen in qofku xitaa uusan Xaramka kula dagaalin qofkii aabbihiis dilay. Marna muslimiintu isma oran iyagoo qaarkood ka yimid Makah baa loo diididoonaa Guriga Ilaahay. Marka halkaas waxaa ku ceeboobay Qureysh oo muslimiinta ula soo baxay ged aysan horay u aqoon. Waa taas midda keenta in reer Galbeedku ka hadlaan caddaalad iyo wanaag laakiin haddii koox muslimiin ahi wanaagaas keento waa isla iyaga kuwa la dagaala!
  1. Xitaa qoddobkii ay muslimiintu ka cabaneysay ee ahaa qofkii naga soo muslima noo soo cesha ma hirgelin oo qofkii soo muslima Madiina ma soo aadijirine wuxuu aadi jiray meel dhexe markaasu Qureysh iyo safarkeeda la dagaali jiray ilaa Qureyshi tiraahdo: wixii naga soo muslima ha kuu yimaadeen ee naga celi yeysan jidka noo galine.
  1. Marka Shariifku ha sheego meeshay ku taal iyadoo waddan muslim la heysto in tusaale loo soo qaato heshiiskii Xudeybiya? Wixii lalahaa hanaga joogeen Xudeybiya waxay ahaayeen muslimiinta. Marka sheekhoow mas’aladaas ku noqo.
Marka heshiishkii Xudeybiya ma tusinayo in muslimiintu ay wax ka badeleen manhajkooda. Heshiishkaas waxaa ceeb iyo guuldarro ka raacday Qureysh. Halka sheekh Shariif leeyahay ciidamadii UN-ka ah ee la ogaa waxay ka sameeyeen meelo u dhow meesha Shariifku kasoo jeedo – Jowhar! Maxaa laga sheegay kuwii la geeyey Baladweyne? Kuwii ciyaalka dabka korkiisa ku soloyey ee Kismaayo joogay? Kuwii kumaankunka qof ku laayey Xamar? Ciidamadii UN-ka ee Holland u dhashay ee muslimiintii Bosnia hoosaasiyey waatii iyagoo indhahoodu shan yihiin ay Serbia hoostooda kala baxeen. Kuwaan Ugaandha iyo Burundi u dhashay mey ka ceshaan shacabka Soomaaliyeed Tigreega? Mise sheekhu wuxuu leeyahay kuwa cad baa naxariis badan? Oo Holland miyeysan caddaan ahayn ileyn caddaankii kale ee u dhashay Bosnia difaaci waayee? Xitaa haddii la keeno ciidamo UN ka socda; Zenawi markuu rabuu soo galayaa Soomaaliya haddii aan la xanuujin oon xoog looga saarin. Marka Shariifku wuxuu rabaa in kacdoonka shacabka laga dhigo sacabooley.
Dadka waddada Turaabi raaca waxaa u dambeeya ceeb iyo sumcad darro. Waxaa Ilaahay dabodhigay iney khalad ka raadshaan Islaamka. Intaas oo xaddiis bey diideen. Xaddiisyo saxiix ah bey diideen markay caqligooda isticmaaleen. Waxaa ka mid ah haddii diqsi ku dhaco cabbitaan maxaa la sameyn. Turaabigii ku doodi jiray diinta Islaam hadda wuxuu la ururyahay kuwo xitaa aan muslim ahayn isagoo cimrigiisa ku soo khatimay inuu u khidmeeyo Dimuqraadiyad ka dhalata Suudaan. Sidii horay loo yiri soow Shariifka ma ahan ninkii qorigu deegta u saarnaa meel Baydhabo u dhow? Meeday Shareecadaad ka hadli jirtay? Dhowr beri ka hor waxay Nairobi ka lahaayeen waxaan wax ka sugeynaa Golaha Ammaanka/Bush halka muqaamadu leeyihiin Ilaahay bey xal ka sugayaan. Marka see loo simi dad noocaas ah.
Shaki iigama jiro haddii Bush iyo Golaha Ammaanku Turaabi usoo wakiishaan arrimaha Soomaaliya in la arki lahaa dad badan oo Kenya, Yurub iyo Ameerika jooga oo soo dhoweynaya. Ka warran boqollaalkii Shariifka ugu tagay hoolka Hilton? Kuwii ergeyga gaarka ee wakiilka Qaramada Midoobay ugu tagay London? Waa dhici kartaa in Axmed Cabdallah uu daacad ka yahay laakiin su’aashu waxay tahay yaa soo diray? Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Yaa doortay xoghayaha? Bush. Yaa Zenawi ku fasaxay Soomaaliya? Bush. Waagii hore Maraykanku hal mar ma wada isticmaalijirin usha iyo karootada. Sheekha saaxibadiis waxaa laga ugaaranayaa keymaha isaguna huteelo buu ku raaxeysanayaa saasooy tahay waxay la tahay inaysan jirin cid uga dadaal badan qayidda Soomaaliya!
Qolyaha Casmara laftoodu wey ku khaldanyihiin in ay Xuseen Caydiidka sanka dadka ka geliyaan. Sheekh Xasan Daahir waxba kama sheegi karo sheekh Shariif haddiiba uu u arko Xuseen Caydiid halgame. Teeda kale waxaan kula talinlahaa ineysan khiyaamo dambe gelin oo aysan wax la mid ah Xuseen Caydiid u magacaabin jago. Haddii kale berri buu isagoo guddoomiye sheeganaya magaciinna la geli doonaa waddan kale. Hadduu rabo dib buu Zenawi ugu noqon.

Hal xaaraan ahi ma dhasho nirig xalaal ah. Haddii khiyaamo la geeyo Xaramka ma noqoneyso wax fiican. Soow Cali Mahdi iyo boqollaal odey lama geyn Sacuudiga bilo ka hor? Maxaa ka soo baxay? Marka haddii labada Shariif iyo Nuur-cadde tagaan Xaramka ama Sacuudiga maxaa iska bedelaya? Ilaah baa mahad leh oo Gabre ma tagi karo Makah sabab cad owgeed. Ogoow haddii Bush ku guuldarreyso inuu Gabre geeyo Xaramka wuxuu si dadban u geynaa ergeyga Axmed ileyn isagu waa muslime! Haddii ergey Axmed oo keligiis ah ama waddankiisa ka socdo uu arrimaha Soomaaliya ka hadlilahaa dhib uma arkeen ciddii u tagta laakiin mar hadduu si dadban uga socdo Bush micno ma leh wixii meeshaas ka soo baxa. Marka Turaabigii la ogaa ee adduunkoo dhan ka cabaaday (waxay u qabeen muslim daacad ah) wakaas maanta ku hadlaya wax aan soo marikarin afka Bush! Sidoo kale sheekada sheekh Shariif waxaa la yaabban dad badan oo reer Galbeed ah oo leh: oo ninku cidna ma xukumee maxuu la shirtagayaa? Marka sheekhu wuxuu jantay inuu ku noqdo meeshuu ka soo bilaabay siyaasadda oo ah gacan-yare Maxamed-dheere. Marka wuxuu ku dambeyndoonaa inuu gacan-yare u noqdo Gabre oo isagu sii xukuma korneylka iyo Maxamed-dheere. Sidaan horay u iri waxaad mooddaa in la soo celin doono dagaalkii ahaa Abgaal iyo Habargidir si Tigreegu nafis u helaan. Marka bal aan aragno waxa Shariifku ka dheefo. C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com

__________________
الله أكبر ولله الحمد
اللهم سدد الرمي و الرأي و ثبت الاقدام
  #5  
Duug Ah/old 28th June 2008
abumaryam Wuu Maqanyahay
أبــومـريـم
 
Join Date: Dec 2007
Posts: 16
abumaryam is on a distinguished road
Default

Assalaamu caleikum

Akhi waxaad ka warantaa, hadii dhahaan culumada asmara mis soomalida kaleba xuseen caydiid wuu toobaykeenay?
  #6  
Duug Ah/old 13th January 2009
abumuxsin alsomal Wuu Maqanyahay
Qorayaasha Waawayn
 
Join Date: Apr 2008
Posts: 1,073
abumuxsin alsomal is on a distinguished road
c/waxid khaliif Maxkamadaha oo Shabaabkana Weeraray; Tigreegana leh Waddada ha loo Furo

Maxkamadaha oo Shabaabkana Weeraray; Tigreegana leh Waddada ha loo Furo

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Maxaa Maxkamaduhu intaas ugu hayaan yaan far la saarin Tigreega halka ay weerar af iyo addin ahba ku qaadeen Ash-Shabaab? Bannaanbixii lagu taageerayey Janaqoow waxaa ka hadlay sarkaal ka tirsan Tigreega! Sidee askari Itoobiya u dhashay ugu khudbeeyey taageerayaasha Janaqoow? Mise hadda wax kasta waa la fishaa.
Ash-Shabaabku waxay ku hadli jireen waagii Maxkamaduhu Xamar iyo gobollada u dhowdhow qabsadeen bey weli ku hadlaan. Markaas sida Shabaabku u hadlo waxaa u hadli jiray sheekh Shariif iyo Janaqoow marka maxaa isbeddelay?
Inkastoo gaalo rabtay in shacabka la isku diro haddana falsafadda sheekh Shariif iyo Janaqoow midna dan uguma jirto jufooyinkey ka dhasheen iska daa qabiilo kale, Soomaali weyn amaba Muslimiinta kale. Janaqoow wuxuu sheegay in Ash-Shabaab iyo Khawaarijtu wadaagaan sifooyinka ugu waaweyn. Maaddaama culumada muslimiinta ah ka hadleen sifooyinka Khawaarijta ayaan cidna ka beensheegi karin astaamahaas. Janaqoow waa ku saxsan yahay wuxuu Khawaarijta ka sheegay laakiin muxuu Shabaab ku maagay? Waxaan rabaa iyagoo sifooyinka Khawaarijta laga duulayo yaa u eg Khawaarij? Ma Shabaab mise garabka Jibuuti?
  1. Khawaarijtu dadka muslimiinta ah bey leysaa ee marna jihaad iyo jidgooyo-qaad ma sameeyaan. Waagii Shariifku madaxda ka ahaa Xamar marna Shabaab ma oran ma aha hogaamiye laakiin marka Shariifku Xamar ka soo degay wixii Shariifka waardiyeynayey iyo Beesha Caalamku waxay madaxweyne u arkayeen C/hi Yuusuf oon markaas is casilin. Hadda oo C/hi is casilay wuxuu Janaqoow imaam u arkaa sheekh Shariif! Sida Janaqoow u hadlayo markii la raaco waxaa Janaqoow imaam u noqonaya waxa kuwa bakhaarada gallayda jooga doortaan. Haddii qofkaas ay Janaqoow isku qabiil noqdaan waa laga yaabaa inuu ogolaado laakiin ma filayo haddii la doorto nin ay C/hi isku heyb yihiin inuu madax u arkayo. Marka su’aashu waxay tahay markii sharci Islaam iyo mid kalaba la fiirsho haddada la joogo ma aha Shariifku imaam. Marka waxaan Janaqoow weydiinayaa xaggeed ka akhrisay inaad qof Shariifka oo kale ah ugu yeerto imaam? Markii uu madaxda ka ahaa Maxkamadaha 2006-dii haddii la rabo ha loogu yeero maaddaama Xamar ahayd caasumadda, meelo badana ay Maxkamaduhu xukumeen. Shabaab iyagu Tigree-raac madax uma arkaan. Waxaa Janaqoow hoog u yaallaa marka kuwa Baydhabo joogaa doortaan qof la mid ah Maxamed Cali Geeddi ama Xasab Abshir oo uu diiddo inuu qiro iney “imaamyo” yihiin ileyn wuxuu Shabaabka Khawaarijta uga dhigayaa waa arrimahaas oo kale.
  1. Khawaarijtu dadka muslimiinta ah keliya ayey leyn jireen oo gaalada wey iska deyn jireen. Dad safar ah oo uu la socday nin sheekha ayaa waxaa ku soo baxay Khawaarij. Sheekhii wuxuu yiri: aniga ii daaya oo yaan la iga dabo hadlin anaa la xaalaya nimankaase. Markii Khawaarijtii damceen iney dilaan oo boobaan buu yiri: war annagu mushrikiin baan nahay marka soow diintiinnu ma qabto in ammaan la geeyo dadka mushrikiinta ah? Khawaarijtii waxay dhaheen haa dabadeedna dadkii bey waardiye ka sii qabteen ilaa ay magaalo ku dhowaadeen oo dhaheen wakaas oo waan idin nabad gelinay ee annagu waan ka carareynaa si aan waalligaasi noo xirxirin! Yaa garoonka Aadan-cadde ka degi kara hadda Janaqoow iyo Abuu Mansuur? Yaa ciidamo Afrika ka socda waardiyeeyaan? Ma sheekh Shariif mise Shabaabka? Yaa weerar ku qaaday Shabaabka oo leh jidka haloo furo Tigreega?
  1. Shabaabku waxay sheegtaan in yoolkoodu ugu weyn yahay gaalada waddanka kusoo duushay. Waxay kaloo sheegaan iney la dagaalayaan Tigree-raaca. Sidaan qodobka labaad ku sheegay Khawaarijtu waxay dhici jirtay dadka muslimiint ah. Lama sheegin meel Shabaabku ku dhaceen shacbka muslimka ah. Waxaa la ogyahay in Shabaabku qaadaan jidgooyooyinka ay soo dhigtaan Ashahaado-la-diririrka. Yaa Ashahaado-la-dirir sida Salaad Cali Jeelle iyo Cabdi Qeybdiid hoosta ku wata ma Janaqoow iyo sheekh Shariif mise Ash-Shabaab?
  1. Ma Soomaali baa sheekh Shariif dooratay mise koox niman ah oo meel ku shiray oo in badan oo ka mid ah hadda ka soo horjeesteen? Marka hadduu isagu u arko imaam nin ka cararay halgankii Tigreegu lagula jiray muxuu ka rabaa in Shabaab iyagun madax doortaan? Shabaab xaq uma leh mana dhihin Janaqoow waa Khawaarij maxaa yeelay wuxuu diiday inuu raaco imaamka Shabaabka! Marka Janaqoow ha ogaado inaan Shariifku cidna imaam u ahayn. Qofkii qabiil ku raaca isagay jirtaa.
  1. Teeda kale arrinta Cali iyo Mucaawiye Ilaahay labadaba raalli haka noqdee waxay khuseysaa cid dagaal iskaga hor timid. Marka Janaqoow iyo sheekh Shariif iyagu sidii Cali iyo Mucaawiye isma geyn goobaha dagaalka oo waxay jiifeen hoteelo. Dadka kale oo Maxkamadaha ku jira oo halgamay iyagu kuma jiraan. Marka hogaanka Ash-Shabaab wuu ku jiraa halkankee maxaa sheekh Shariif uga cararay halganka? Teeda kale qofkii halgama baa madax loo dooranayaa.
  1. Haddii Shabaabku Khawaarij yihiin waxaa soo dhoweyn lahaa Bush iyo Tigree ileyn howl fiican bey u wadaane. Marka qoladii gumeysigu taageero baa Khawaarij ah. Yaa CIA-da iyo Tigree taageeraa? Ma Shabaab mise garabka Jibuuti?
  1. Waxaa Khawaarij u eg niman markay la saaxiibeen Ashahaado-la-dirirkii ay dagaaloogayaashu ku dhiirradeen iney wasakheeyaan magacii muslimiintu xurmeyn jirtay oo qof kasta oo muslim ah u nisbo sheegan jiray waa Ehlu Sunnah Wal Jameeca. Marka Janqoow wuxuu na barayaa in Shabaabna yihiin Khawaarij halka Salaad Cali Jeelle, Cabdi Qeybdiid, Barre-hiiraale, Cabdiwaal, Xaabsade iyo Aadan Garaase yihiin Ehlu Sunnah Wal Jameeca! Soow Tigreegu ma sheekan karo iney yihiin “Ansaarul Sunnah” ileyn haddii dagaaloogayaashu magacaas ku sifoobaan shaki ma leh iney Tigreegu caawiyey nimankaas marka Tigreegu waxay noqonayaan dadkii u gargaaray muslimiinta saxda ah (Ehlu Sunnah Wal Jameeca).
  1. Shabaabku waxyaalo badan waa isku dhejiyaan oo waa diideen iney debec ka muujiyeen laakiin marna lagama sheegin iney mabda’ ahaan diidaan dhexdhexaadinta oo aysan aaminsanayn. Markii sheekh Shariif la dooranayeyba iyagaa ugu xoog badnaa Muqaawamada mana diidin marka haku talax tegin eedeynta Shabaabka.
Ma dhahayo Shabaabku khalad ma leh oo waa malaa’ig laakiin sifooyinkaas waaweyn oo Khawaarijta marka la eego waxaa Khawaarij u dhow kuwa Tigreegii oo Xamar jooga Balcad kula dagaalaya Shabaabka. Kuwa leh gaalada yaan xabbad lagu ridin haddana raba iney shacabka Soomaaliyeed iyo Muqaawamo isku diraan.
Maqaalkeygii ugu dambeeyey – Ash-Shabaab wax ma loo sheegi karaa- ayaan ka digay oo ku magacaabay Janaqoow iyo waxa la mid ah iney ka faa’iideysanayaan khaladaadka Shabaabka. Sida Soomaalidu u tiraahdo: nin ani yiri dad iska saar ayaan la rabin in Shabaabku dadka iska faquuqaan lana rabo iney ku biiraan Muqaamada xalaasha ah oo aan gumeysigu soo adeegsan. Maqaalka kaddib waxaa soo baxay Tigree ka hadleysa bannaanbax loo qabtay Janaqoow iyo Maxkamadihii oo Tigreegii oo Xamar jooga weeraray Balcad.
Ma ahan markii ugu horreysay oo cid diin laga urinayo uu Janaqoow wax ka sheego. Wuxuu si joogta ah oon qarsoodi lahayn wax uga sheegaa culumo waaweyn oo Puntland iyo Somaliland joogta oo la dhaho Ictisaam. Ictisaamku waa ogol yihiin Muqaawamo nadiif ah. Markii sheekh Shariif tuutaha iyo qoriga jeeniqaarsanaa waxaa Ictisaam lahaayeen war tartiib oo dadka soo dhoweeya. Nimankii saas ahaa oo Janaqoow lahaa mey halgamaan ayuu intaas caayaa! Ma garanayo waxaan qabiil ahayn oo uu ku heysto. Marka Janaqoow wuxuu u arkaa in Shabaabkuna Khawaarij yihiin markii uusan Cabdi Qeybdiid iyo Salaad Cali Jeelle dhinaca saarinna wuxuuna u arkaa Al-Ictisaam iney munaafiqiin yihiin! Muqaawamada Xamar isagu timid ma aha in qolo gooniya la dhibayo ee Xamar waa caasimaddii waddanka oo dadkoo dhan wada degenaa. Marka qofkii wanaajiya Xamar wuxuu helayaa sumcad ka badan qofkii wax ka qabta Somaland ama Puntland.
Marka waxaa laga rabaa Shabaabka iney ama ri’ is nuugtay noqdaan oo halgankii iyo muqaawamadii ay ku jireen inta ka tagaan ay sameeyaan khaladaad ay Janaqoow iyo sheekh Shariif ka faa’iideystaan si shacabka Soomaaliyeed loogu diro ama iney Muqaawamada xalaasha ah wax la qeysdaan oo maqlaan talooyinka culumada iyo dadka waxgaradka ah soo jeediyaan. Khasab ma aha in mas’alo farac ah ama aan nasku si sareex ah u sheegin aadan cidna ku khilaafin laakiin waa lamahuraan in la mideeyo safafka Muqaawamada. Waxaana shacabka Soomaaliyeed kula talinayaa ineynaan waddankeenna uga tagin dad uu cadowgu soo adeegsaday. Waa in la qabto shirar lagu mideynayo Muqaawamada iyadoo Shabaabkuna ku jiraan.
Marka waxaan Janaqoow ku leeyahay ninkii weerar ku qaada dad muslimiin ah; isagoo raba in aan xabbad lagu ridin Tigree gumeysi ah oo waddankii heysta ayaa Khawaarij uga dhow niman dhallinyaro ah oo fudayd dartii u sameeyey khaladaad iyagoo is leh Ilaah raalli geliya. Dadkii waa u caddaaday inaad Tigree saaxiibbo tihiin marba haddii bannaanbixii laguu qabtay ay ka khudbeeyeen. Marka waxaan filayaa qofkii diin ama dareen waddanimo ku hartay ee ku jira kooxda Jibuuti iney iskaga soo baxayaan. Marka Shabaabkuna waa iney wafti usoo diraan Muqaamada xalaasha ah oo la midoobaan. Waa buuxaan culumo lagu kalsoon yahay oo horboodeysa Muqaawamada saxda ah. Marka waxaan ka baqayaa marka shacabka Soomaaliyeed ku soo baxaan jidgooyo ay dhigteen Ashahaado-la-dirir iyo garabka Jibuuti in shacabku sheegto iney u dhasheen Tigree si Janaqoow iyo kuwa raacsani ay u magangeliyaan. Marka waa xeel u furan Shabaabka laftooda iney sheegtaan iney u dhasheen Itoobiya si ay uga nabad galaan Janaqoow iyo xertiisa.


C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
__________________
هنيئا لك الجنان يا أسد الإسلام
هنيئا لك الحور الحسان يا قاهر الأمريكان

اللهم إرحم عبدك أسامة بن لادن وتقبله في الشهداء
اللهم و إجعله جار نبيك في جنات الفردوس
اللهم أرزقه النعيم المقيم

على العهد ماضون... على العهد على العهد.......لن نقيل ولن نستقيل بإذن الله

  #7  
Duug Ah/old 13th January 2009
Abuu xaniifah's Avatar
Abuu xaniifah Wuu Maqanyahay
Xubin dadaal badan
 
Join Date: Jan 2009
Posts: 1,098
Abuu xaniifah is on a distinguished road
Default

A/S Akhii baarakalaahu fiik akhii xabiib jazaakalaah
__________________
ولكن ثقتنا في الله واعتمادنا وتوكلنا عليه كبير، وحتى لو وقف العالم كله ضدنا فلن نتنازل عن مبادئنا ومعتقداتنا، ولن ننحرف عن مسيرتنا هذه إن شاء الله العزيز

لأن الذي نعتقد به هو ديننا، ولن نتنازل عنه، لأن التنازل عن الدين هو الموت للمسلم
  #8  
Duug Ah/old 14th January 2009
Maamulka's Avatar
Maamulka Wuu Maqanyahay
الإدارة/Administrator
 
Join Date: Nov 2007
Posts: 156
Maamulka is on a distinguished road
Default

asalamu alaikum
jazahu Alaahu khayr maqaal raaic
  #9  
Duug Ah/old 14th January 2009
abumuxsin alsomal Wuu Maqanyahay
Qorayaasha Waawayn
 
Join Date: Apr 2008
Posts: 1,073
abumuxsin alsomal is on a distinguished road
Default

Wa iyakum Axibati fillah
__________________
هنيئا لك الجنان يا أسد الإسلام
هنيئا لك الحور الحسان يا قاهر الأمريكان

اللهم إرحم عبدك أسامة بن لادن وتقبله في الشهداء
اللهم و إجعله جار نبيك في جنات الفردوس
اللهم أرزقه النعيم المقيم

على العهد ماضون... على العهد على العهد.......لن نقيل ولن نستقيل بإذن الله

  #10  
Duug Ah/old 27th January 2009
Muwaxid Wuu Maqanyahay
Xubin Cusub
 
Join Date: Jan 2010
Posts: 0
Muwaxid is on a distinguished road
Post Dowlad Gacan-ku-rimis ah iyo Dhicinteed Miyeynaan ka Daalin



Dowlad Gacan-ku-rimis ah iyo Dhicinteed Miyeynaan ka Daalin
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com







Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Maxaynnu Xukunkii Islaamka iyo xeerarkii Soomaalida loo khilaafay? Imisa jeer baa hal god ah nala ka qaniinay? Mar i dage Allaha dago, mar labaad i dagase anaa is dagay ma la dhinac maray? Maxaa Jibuuti iska beddelay? Soow tii Cali Mahdi Jibuuti laguma soo dhisin? Tii Carta iyo C/Qaasim? Tan sheekh Shariif, Nuur-cadde iyo wixii la doorto maxay kaga duwanaan doontaa kuwii hore? Waxaan is iri waxaa soo baxay duul markii dagaaloogayaashii iyo Ashahaado-la-dirirkii laga raayey leh: haddaan sirdoonka Maraykanka iyo kan Tigreega la shirno, ma nihin Ashahaado-la-dirir? Haddaan sidii Carta iyo Mbagathi qabiil wax ku qeybsanno ma nihin niman qabiil ku socda. Micnuhu wax kasta oo Janaqoow iyo sheekh Shariif sameeyaan, khaladba ha ahaadeene, waa sax. Soow lama mid aha: wadaad xumihii dhihi jiray markay dumar ajnabi ka ah la xaalayaan ooy rabaan iney faroxumeeyaan: bowdo caalin taabtay cadaab ma gasho. Hadda wax kasta oo sheekh Shariif, Janaqoow iyo saaxiibbadood ku jiraan xitaa khiyaano waddan ha ahaadee waa sax!
Afka qalaad waddanka Jibuuti oo kale ah waxaa lagu dhahaa “buffer state” waa waddan yar oo ku dhex jira labada waddan oo waaweyn oo xoog badan. Inta badan waddankaasi wuxuu ku dadaalaa in aysan labadaas waddan is dagaalin. Markii dowladdii Kacaanka ahayd jirtay saasay ahay Jibuuti oo waa iyadii Maxamed Siyaad iyo Mingiste iskugu yeeri jirtay. Dowladdii yarayd ee saas ahayd hadda waxay bilowday in ay tiraahdo dowlado baan Soomaaliya u dhisayaa! Markaan Jibuuti leeyahay kama wado shacabka ee waa hogaamiyayaashooda.
Maxaa hogaamiyayaasha Jibuuti inta dhaafaan Somaliland iyo Puntland iskaga dhigaan iney ka damqanayaan shacabka Muqdisho? Ma shacabka Muqdishaa ka xiga kan Somaliland? Maya, ma rabaan in Somaliland la aqoonsado oo hadday si kal iyo laab ah wax ula qabsadaan Somaliland waxay isleeyihiin amay idin barobixisaa inta la aqoonsado dabadeedna Somaliland dhigtaa gogol nabadeed oo arrimaha Soomaaliya looga hadlo. Sidoo kale Puntland wax uma rabaan. Marka Muqdisho caasimad ahaanta kaliya uma rabaane waxay ogyihiin iney joogaan kooxo badan iyo dagaaloogayaal badan marka waxay isleeyihiin nabadi ka fog marka qoladaas aan nabadda keeni karin iska harowsada oo iskaga dhiga dad wax u qabanaya iyagoo runtii raba inaan Soomaaliya dowlad ka dhalan. Sida maamulka Yemen oo kale ayaa kan Jibuuti ka daran yahay Tigreega? Sabab? Tigreega cadow baa nahay oo dagaal baa naga dhaxeeya laakiin maamulka Jibuuti iyo Yemen waa xuunsho oo kale oo markii Itoobiya iyo Bush na dileen ay bakhtigeena feenanayaan. Waxay rabaan in dekedahoodu camirnaadaan. Waxay rabaan iney kalluumeystaan intaan is baabbi’ineynno!
Ka warran dadka Xamar ka yimid oo Jibuuti shir ku qabsanaya? Xamar oo dad ahaan ka badan, cimilo ahaan iyo dhaqaalo ahaanna ka fiican Jibuuti. Dadka Xamar keliya degen baa intaas oo jeer ku laablaabma dadka waddanka Jibuuti deggen oo dhan. Horay baa loo ogaa in aan dagaalooge damiir lahayn ee waxaa iigu daran kuwa culumada sheeganaya ee khiyaamada iyo qaran-xumeyska uga dheereeyey Ashahaado-la-dirirkii.
Awal baa Waaberi ku heesi jiray:
  • Wixii halkan ka bixi laa bilaad bey ka doonayaan
  • Baabuur cadar iyo rikoor belaayo daboolan iyo
Marka alaab la soo degsedo waa la arki jiray ee yaa arkay dowlad dhan oo la soo dejinayo? Shaki iigama jiro in aakhirusamaan la joogo!
Xuunshooyinka kuma eka Jibuuti iyo Yemen ee waxaa jira wiil kale oo kibray waa Musafeni oo Yugaandha u ah madaxweyne. Markuu arkay Soomaaliya iyo quruxdeeda. Markii la yiri Tigreegii waa baxay ee naga tag buu sidii Guba aad mooddaa inuu gabaygan daliishanayo. Musafeni ood mooddo inuu leeyahay dacwad waxaan ka iri ciidama Amisom ee loo dardaarwarinayo. Wuxuu qirtay iska daa Xamare inuu rabo inuu ciidan kale geeyo Baydhabo iyo meelo kale. Marka wuxuu leeyahay Xamar heshiis kuma joogee waxaan ku joogaa taangi iyo madaafiic. Waa kan Musafeni ood mooddo inuu sidii Ismaaciil Cigaal Bullaale u hadlayo:
  • Dacwad waxan ka iri geelayaga loo dardaarweriyey
  • Iyadoo dildilihii bishiyo dacashi haaneed leh
  • Doollaaba lagu sii wadaa dayrta maanta ahe
  • Dibna u laabmi maynoo dalkii dooggi ka idlaaye
  • Darka Qarandi deexdii Cammuud waa dar noo xirane
  • Dixda Raygaleed iyo Gargaar waanan deyn karine
  • Dumbuqyaaba laga soo guriyo degello waaweyne
  • Anaa doonnanaystaye baqaa looga diir waraye
  • Daw hadday lahayd Jeerinleey waan dul tegayaaye
  • Deggina maayo jeeraan ku furo degelki Gaafow'e
  • Daahyaale geelii la helay waa dirramayaaye
  • Dabarkiisa waxan loogu lumin amase loo daalin
  • Ninna nama daneeyeen haddii lay dalleensado’e
  • Deeq looma siin wiilashaan deyr ka xoogsadaye
  • Diishaaba laga soo rogiyo Daaqatiyo Faafe
  • Meeshaan ka daadegi jiraan dabaqna saarnayne
  • Ma nalooga daray sow raggii dulli jirey miihin
  • Mise doorkanaa xoog ka dhacay duudda Habaryonis
Muqaawamada iyo shacabka Soomaaliyeed bey u taal waxa wiilkaas Musefeni ee ku horkaadsha Ruwaanda, Burundi iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo. Marka waxaa la waayey wiil waabsha. Marka hadduu arkay waddan bad leh, oo niman culumo sheeganayaa shacabkii ka dhaadhiciyeen iney ciidanka Yugaandha yihiin gaaladooda siduu horay usoo qoray qoraa Soomaaliyeed oo cinwaan ka dhigtay “ ii daaya gaaladayada.” Shacabka waxaad mooddaa iney gabay horay uu tirshay Khaliif Sheekh Maxamuud ay ku sifeynayaan Muqaawamada. Waxaadna moodda iney ku leeyihiin sidii Tigreegu dabada u taagay hadda Amisom hala dagaajiyo. Gabeyga qeyb ka mid ah waa kan:
"BBC-du Maskaxda Soomaalida ayay Quudisaa." Garaad
Erayadaasi waxa ay kamid ahaayeen hadaladii Yusuf Garaad Cumar uu kayiri wax shir jaraa'id loo maleeyey asiise ka ujeedo iyo gudaweyn. GUJI.HALKAN. July 4, 2002
BBC-da: SIYAASADAHA DAHSOON EE GUMAYSTAHA:Hassan Salahudin
  • idinkaa dantiinnii u huray dal aad xoreysaane
  • · idinkaan u daaleyn sidii duul Malaa’igahe
  • · idinkaa halkaad dooneysaan degeya goor dhow’e
  • · idinkaa dariiqii Alliyo diinta aaminaye
  • · idinkaa siduu Daa’in yiri dowga kheyr maraye
  • · idinkaa Rasuulkii dugsaday daahirka ahaaye
  • · idinkaa diyaarsaday hubkii diiradda lahaaye
  • · idinkaa daruuraha cirkiyo daafigaa maraye
  • · idinkaa cadowgii idin dayaa dabada taagaaye
  • · darajada Ilaahay ka badan doogga geedaha’e
  • · nimuu doortay iyo baa ka hela deeqsi geesi ahe
  • · darsigiina xaqa daalibaa laga duceystaaye
  • · doorroonayaaloow Jihaad waad u dareerteene
  • · xargihii la daahiyo haddaan derykii laga boodin
  • · oo aan duqii weli la qaban waan dayeysnahaye
  • · inkastood dadaal iyo waddaan doorar sharaf weyn leh
  • · darar saa’idiyo waan jeclahay ………………….
  • · durkiyoo kusii dara ma foga dowladnimadiiye
  • · ninna looma duurxulo halkuu doog ku leeyahaye
  • · dhakharrada ninkii geystayoo ina dubaaqeeyey
  • · oo dibadda idiin soo tubaa daakhilkii jira’e
  • · dumaal seege naagihii hadday da’i ku laabneyde
  • · sidii bey agoon daacufaa ula dareeraane
  • · sidii bey ilmada dililiqlihi uga da’eysaaye
  • · sidii Doollo dhaan loo direy ina dayaayaane
  • · dabka wax uma saaraan ilmaha waaga daalacaye
  • · degdeg nooga soo gaaraya iyo dooddu waa innaga’e
  • · haddaan diilalyada haysa iyo diifta laga baanan
  • · dayaceey qabaanniin haddaan laga daweyneynin
  • · Wallee labada doolaqoo lushiyo dalowgu waa beene
Waxaa jira saxaafad badan oo qaarna gaalo u shaqeyso sida BBC-da laanteeda Afsoomaaliga iyo VOA-da iyo kuwo qabiil u shaqeeya oo si dadban cadowga ugu shaqeeya. Laakiin hadda waxaa jir boggag badan ooy furteen dad waddaniyiin ah iyo kuwo fikarad kasta soo dhoweeya oo qof walba siiya fursad. Marka maaddaama waddankii khatar ku jiro waxaa mudan in laga faa’iideysto boggaggaas xorta ah. Dadku ma moogga sida BBC-da laanteeda Afsoomaaliga iyo kuwa kale shacabka u waalayaan sidii Kacaanku ugu shaqeysanjiray Waaberi iyo Raadiyow Muqdisho. Waxaan ku leennahay sidoo kale gabay horay loo yiri:
  • Dooddaada reedyoowga woow dhego daloolnaaye
  • Dacaayadaha Waaberi haddaad dibadda gaarsiiso
  • Kulmis ma adigaa demin runtay diirka ka caddeyne
Marka haddii idacaadahaas cadow u shaqeeyaan; ma afkeey na qaban ileyn Ilaah baa badiyey idaacado iyo boggag xor ah oo internetka ka buuxee?!
Qosol wuxuu ka joogaa marka xildhibaannada dowladda gacan-ku-rimis ah ee cusub magacyadooda la sii daayo. Waxaad arkidoontaan Moorgan, Cabdi Qeybdiid iyo kuwo la mid ah iyo sheekh Shariif iyo Janaqoow oo ka wada tirsan “ARS!” Marka Ashahaado-la-dir dal-xoreeyayaal ah waxaa noogu horreysay oon ka maqalnay waa Janaqoow iyo sheekh Shariif! Maxaa kale oon ka maqli doonnaa?

Muqdisho ayaa nooga filan rimay-gacmeedka! Waxay tiri: meeday dowladdii Cali Mahdi? Tii C/Qaasim? Tii Mbagathi? Xamar waxay leedahay hadda ooy cadwogii ku biireen kuwo wadaado sheeganaya ayey leedahay waxay heysataa halgaad ay rabto iney durbadii dhiciska soo tuurto oo aysan sugin intii C/Qaasim oo kale. Muqdisho waxaa intaas usii dheer waxaa diyaar ah Muqaawamadii iyo shacabkii. Marka shacabku ma yeelayo in Muqdisho iyo Soomaaliya laga dhigo sida Jabuuti oo kale oo ah waddan aysan dadkiisu awood lahayn. Soo ma aha meeshii laga dajiyey khiddadii Tigreegu ku qabsaday Xamar iyo Soomaaliya? Soow ma aha meeshii ay ka soo kici jireen diyaaradaha dukheynayey baadiyaha iyo shacabka Soomaaliya? Marka Muqdisho ma noqon doonto meel lagala dagaalo diinta Islaamka iyo dadkeeda Ilaahay idinki. Markaan xallino cadowga gudaha iyo dibadda ayaan xuunshooyinka u soo jeesaneynaa. Marka aan aragno waxa Janaqoow iyo sheekh Shariif ay ka dheefaan isku dirka shacabka Soomaaliyeed. Marka ciidamada gaaladu ku soo wadaan Soomaaliya iyo waxa Jibuuti ka soo socda kee noo daran?
C/Waaxid C/hi Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com


Manqul Min Somalitalk.com
Mawduucan wuu xiran yahay


Thread Tools
Display Modes

Posting Rules
You may not post new threads
You may not post replies
You may not post attachments
You may not edit your posts

vB code is On
Smilies are On
[IMG] code is On
HTML code is Off
Forum Jump


Saacada oo Dhan Waa GMT +3. Hadane Saacada Muqdisho waa 20:05.


Disclaimer/Ogaysiin/تنـويـه
بسم الله الرحمن الرحيم


Assalamu alaikum
Alqimmah waa Shabakad islaami ah oo daneysa arimaha Ummadda.
Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay.
waana shabakad madax banaan oo aan taabacsaneyn Urur gaar ah ama Dowlad,
laakiin waa mid Xaqa Raadisa xili kastaba.
Qof walba oo Muslim ah Xaq ayuu uleeyahay in uu akhristo ama uu wax ku qoro shabakada.
--------------------------------

Alqimmah is islamic network which interests the situation of Islamic ummah
Every thing you post here does not mean that the administration are happy whit it It is a network which does not belong to any organization or government or any other direction Every Muslim has the right to read or post at alqimmah islamic network

--------------------------------

نحب أن نحيط علمكم أن شبكة القمة الإسلامية شبكة مستقلة غير تابعة لأي تنظيم أو حزب أو مؤسسة من حيث الانتماء التنظيمي بل انتمائنا وولائنا التام والمطلق هو لإخواننا الموحدين شرقا وغربا ممن انتهجوا نهج الطائفة المنصورة علما وعملا وخلقا كما أن المواضيع المنشورة من طرف الأعضاء لا تعبر بالضرورة عن توجه الشبكة إذ أن المواضيع لا تخضع للرقابة قبل النشر


Shabakada Islaamiga Alqimmah / Nidaamka © 1433-2012